Trump oo Iran ugu baaqay inay aqbasho heshiiska nuclear-ka, inta aysan xaaladda faraha ka bixin

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay weli haysato fursad ay heshiis kula geli karto Mareykanka, ka dib markii Israel ay weerar ballaaran ku qaadday xudunta barnaamijkeeda nuclear-ka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Dowladda Iran ku booriyay inay aqbasho dalabaadka Washington, ee ah in la xadido barnaamijkeeda nuclear-ka, xilli ay Tehran wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixin doonto duqaymaha Israel ay ku beegsatay goobaheeda nuclear-ka iyo xarumaha militariga, halkaas oo lagu dilay taliyeyaal ciidan, iyadoo sidoo kalena weerarka lagu beegsaday saynisyahanadii reer Iran ee nuclear-ka farsameynaysay.
Madaxweyne Trump ayaa Jimcahan ka digay in weerarada ay Iran qorsheynayso ay noqon doonaan kuwo naxariis badan, isagoona Hoggaanka Iran ugu yeeray inay aqbalaan heshiiska nuclear-ka, ka hor inta aanay waxba ka harin.
"Iran waa inay heshiiska gasho, ka hor intaanay waxba ka harin. hadda samey, inta uusan daahin." Ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Trump ayaa waxa uu ka digay suurtagalnimada isku dhac weyn oo ka dhaca sida uu yiri Bariga Dhexe.
Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku goodiyay in Israel ay la kulmi doonto ciqaab adag.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in duqaymaha Israel ay ku dhinteen 78 qof, 329 kalena ay ku dhaawacmeen.
Iran ayaa laga cabsi qabaa inay beegsato saldhigyada iyo danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, taas oo xaaladda uga sii dari doonto.
Israel ayaa weerarkan ku qaadday dalkaasi, xilli la qorsheeyay in Iran iyo Mareykanka ay wareegga lixaad ee wada hadaladooda ay Axadda ku yeeshaan dalka Cumaan.
Ma cadda in Iran ay ka qaybgeli doonto wada hadalkan, maadaama weerarka lagu soo qaaday ay ku tilmaamtay ku dhawaaqid dagaal.
Israel ayaa ah xulafada ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay gobolka, waxayna Iran fahamsan tahay in Israel aanay qaadi karin wax tallaabo ah, iyadoo aan ogolaansho ka haysan xulafadeeda ugu muhiimsan ee dibadda oo Mareykanka ah.