Trump oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Mareykanka

Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalka Mareykanka, ka dib markii uu tartanka kaga adkaaday Kamala Harris.

Donald Trump ayaa helay 277 ka mid ah codadka ergada ee 538-ka cod ergo ee metelaya dhammaan gobolada dalka. Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa u baahnaa 270 codadka ergada, si uu u xaqiijiyo guushiisa doorashadan.

Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ahna Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, Kamala Harris ayaa iyadu heshay 224 codadka ergada.

Codadka uu Trump ka helay afar ka mid ah toddobo gobol ee guur-guura ee codadkooda aan dhinacna lagu tirin ayaa siisay faa'iidada doorashadan. Goboladan ayaa kala ah Pennsylvania, Georgia, Wisconsin iyo North Carolina

Kamala Harris ayaan xaqiijin riyadeedii ahayd inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa amaba Madaxweyne ka noqota dalka Mareykanka.

Trump ayaa u muuqday in ololihiisa doorashada uu kaga faa'iideystay xiisadda Gobolka Bariga Dhexe, dagaalka Ukraine iyo in shacabka Mareykanka aysan dooneyn in haweeney ay dalka hoggaamiso.

Trump ayaa sidoo kale ka faa'iideystay daldaloolooyinka Xisbiga Dimoqraadiga, isagoona si weyn ugu ololeeyay inuu laali doono sharci ahaanshaha in haweenka ay ilmaha iska soo ridi karaan iyo in dadka isku jinsiga ah ay isu galmoon karaan.

Trump ayaa ballanqaaday dib u soo celinta haybaddii Mareykanka.

Guushan ayaa mid macno leh uga dhigan Trump iyo taageereyaashiisa, iyadoona ay noqoneyso markii labaad ee xilka madaxtinimada loo doorto.

Trump ayaa sidoo kale noqonaya Madaxweynihii ugu da’da weynaa, taariikhda Mareykanka ee la doorto.

Taageereyaasha Trump ayaa si weyn ugu dabaal degaya guushan taariikhi ah.

Trump ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego bisha January ee sanadka soo socda.

Madaxda caalamka ayaa Trump ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadan.