Wafdi ka socda Somaliya oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxweynaha Nigeria

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Caasimadda Abuja kaga qaybgalay munaasabadda caleema-saarka ee Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Bola Tinubu.

Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee dalkaasi, iyadoona ay munaasabadaasi ku sugnaayeen madaxdii isaga kala dambeysay talada dalkaasi, madax ka socotay dowlado dhowr ah iyo kumanaan qof oo muwaadiniinta dalkaasi ah.

Madaxweyne Tinubu ayaa xilka kala wareegay Madaxweynihii isaga ka horreyay, waa Muhammadu Buhari.

Tinubu ayaa sheegay in dowladdiisu ay wax ka qaban doonto dhaqaalaha sii liicaya ee dalkaasi, isla-markaana ay sare u qaadi doonto wax soosaarka gudaha, si ay bilow fiican oo wax lagaga qabanayo ugu noqoto shaqo la'aanta baahsan ee ay muwaadiniinta dalkaasi ka cabanayaan.

Saalax Axmed Jaamac, Raysal Wasaare kuxigeenka Somaliya ayaa warsaxaafadeed ku sheegay “Dowladnimada Nigeria waxay soo martay waddo dheer, dhinacyada dimoqraadiyadda iyo federaaleynta. Inkasta oo aynu wax badan ku kala duwanahay, haddana wax badan ayaan ka baran karnaa waayo-aragnimada Nigeria, sida Federaaleynta Maaliyadda, Federaaleynta Garsoorka iyo dhinaca amnigaba.”