Wararkii ugu dambeeyay dhibaatada bani'aadantinimo ee ka jirta waqooyiga Gaza
Ciidamada Israel ayaa Marinka Gaza ka gaysanaya dembiyo dagaal, iyadoona uu ujeedku yahay in Falastiiniyiinta laga suuliyo waqooyiga Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa habeen iyo maalinba garaacaya goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin, si loogu khasbo in ay halkaasi banneeyaan.
Ciidamada Israel ee sida weyn u go'doomiyay aaggaasi ayaa sidoo kale tooganaya dadka rayidka ah, iyagoona waddooyinka ka qabqabanaya barakacayaasha qaybtood.
Gulufka aan kala sooca lahayn ee ka socdo waqooyiga Marinka Gaza ayaa soo dedejiyay inuu si weyn hoos ugu dhaco gargaarkii yaraa ee markii horeba halkaasi la gaynayay, ka dib markii Militariga Israel ay xireen waddooyinkii la marsiinayay gargaarka bani'aadantinimo.
Weerarada xagga cirka ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa Khamiistii lagu dilay 95 qof oo dad rayid ah, iyadoona intooda badan lagu dilay xaafadaha waqooyi.
Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Munir Al Bursh ayaa xalay sheegay in 1,200 oo qof lagu dilay waqooyiga Marinka Gaza, ka dib hawlgalka ay Ciidamada Israel ka bilaabeen, ku dhawaad afar toddobaad ka hor.
"Ciidamada Israel waxay sii wadaan inay xasuuqaan shacabka, iyago beegsanaya guryaha iyo dadka rayidka ah ee degan Beit Lahiya." Ayuu yiri Agaasimaha oo intaasi ku daray "Nidaamka caafimaadka ee waqooyiga Gaza ayaa ah mid aad u liito. Ciidamada gumeystaha ayaa gaysanaya dilka shacabka iyo burburinta dhismayaasha, sababtoo ah ma jirto wax la xisaabtan ah, si loo joojiyo dembiyada."
Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa la sheegay in Khamiistii shalay ay mar kale weerareen isbitaalka waqooyiga Gaza ku yaala ee Kamal Adwan, laba maalmood uun ka dib, markii ay ka baxeen isbitaalkaasi, burbur weyna ay uga taggeen.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay garaaceen dabaqa saddexaad ee dhismaha isbitaalka, halkaas oo ay yaalleen dawooyinkii haray iyo sahayda kale ee caafimaadka.
Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Dr. Hussam Abu Safiya ayaa isna sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen afar qof.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan wararka sheegaya in la duqeeyay isbitaalkaasi.
Ka dib maalmo ay hawlgal ka wadeen isbitaalkaasi, Ciidamada Israel ayaa burbur baahsan u gaystay.
Ciidamada Israel ayaa Jimcihii xoog ku galay isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya, ka dib maalmo ay go’doomin ku hayeen. Militariga Israel ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dambeeyay, ka gadaal markii ay heleen xogo sirdoon oo sheegaya in ay ka hawlgalaan kooxaha wax iska caabinta, isla-markaana ay u adeegsadaan goob ay weerarada ka soo qaadaan, warkaas oo Xamaas ay si adag u beenisay.
Militariga Israel ayaa Isniintii sheegay in la soo geba-gabeeyay hawlgalkii isbitaalkaasi, isla-markaana ay ka qabqabteen 100 ka mid ah dagaal-yahanada Falastiiniyiinta.
Hawlgalkan ayaa sababay inuu istaago adeeggii caafimaad ee isbitaalku uu bixinayay, inkastoo dadaalo la sameeyay lagu guuleystay in isbitaalkaasi uu dib u bilaabo daryeelkiisii caafimaad. Tani waxay ka dambeysay, markii ay lagama maarmaan noqotay baahida loo qabo adeeggiisii, xilligan oo dadka rayidka ah ay waxyeelo buuran ka soo gaareyso weerarada aan xadka lahayn ee Ciidamada Israel.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ku sugan Marinka Gaza ayaa sheegay inay adag tahay in la qiyaaso xaaladda dhabta ah ee ka jirta qaybaha waqooyiga.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tan iyo bilowgii dagaalka Gaza ay Ciidamada Israel dileen in ka badan 43,200 oo qof, halka 101,641 kalena ay dhaawaceen.
Iyadoo dunida oo dhan ay qireyso in Israel ay dembiyo dagaal ka gaysaneyso Marinka Gaza, haddana waxaa la yaab leh inay diidan tahay in ay ciriiri gelisay nolosha dadka rayidka ah.