Wararkii ugu dambeeyay doorashada madaxtinimada ee dalka Mareykanka

Dadweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii si weyn uga qayb qaatay codeynta doorashada madaxtinimada Mareykanka ee midkood lagu soo dooranayo Donald Trump iyo Kamala Harris.

Kamala Harris oo hadda ah Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ayaa tartanka ku meteleysa Xisbiga Dimoqraadiga, halka Donald Trump uu isna yahay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga.

Goobaha codbixinta ayaa soo xirmay saacadihii dambe ee Talaadadii, iyadoona Guddiga Doorashooyinka ay bilaabeen tirinta codadkii la dhiibtay.

Donald Trump ayaa u ordaya in mar labaad uu ku soo noqdo Aqalka Cad, si siyaasadda dalka uu u hoggaamiyo afarta sano ee soo socota.

Kamala Harris ayaa haddii ay ku guuleysato tartankan ay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa dalka Mareykanka.

Labada musharax ayaa ku jira tartan aad u adag oo aan la saadaalin karin natiijada.

Natiijada doorashada ayaa waxaa go'aamin doona 7-da gobol ee guur-guura, isla-markaana aan la aqoon meesha ay codadkoodu raacayaan.

Goboladan oo codadkoodu ay aad isugu dhow yihiin ayaa muhiim u ah tartanka doorashada ee dalkaasi.

Musharax Donald Trump ayaa ku horreya saddexda gobol ee kala ah North Carolina, Pennsylvania iyo Georgia.

Kamala Harris ayaa la sheegaya in dhinaceeda ay ku horreyso Gobolada Michigan, Arizona iyo Wisconsin, inkastoo aan weli la soo geba-gabeen tirinta codadka ee goboladaasi, isla-markaana aan la garaneyn cidda heli doonta codadka Gobolka Nevada.

Ma jiro gobol ka mid ah goboladaasi aadka la iskugu hayo oo illaa iyo hadda la saadaaliyay musharaxa ku guuleysan doona, taas oo macnaheedu yahay in wax kasta ay is bedeli karaan.

Codadka dadweynaha oo keliya ayaan ku filneyn natiijada doorashadan, iyadoo musharax kasta uu u baahan yahay in uu helo 270 ka mid ah 538-ka cod ergo ee metelaya dhammaan gobolada dalka oo dhan, si uu u guuleysto.

Natiijada doorashada ayaa si dhakhsa ah loogu dhawaaqi karaa, haddii labada musharax uu midkood helo 270-ka cod ergo ee uu u baahan yahay, xitaa haddii lagaga cod badan yahay codadka guud ee dadweynaha.