Wararkii ugu dambeeyay gulufka ku wajahan Jamaame oo toddobaadkii afaraad galay

Hawlgalka Militariga Somaliya iyo Daraawiishta Jubbaland ee la doonayo in lagu xoreeyo Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta galay toddobaadkiisii afaraad.

Ciidamada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku howlanaa, sidii ay maleeshiyada Al Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada hoostaga degmadaasi, isla-markaana ay ka difaacayaan magaalada.

Shabaabka ayaa difaacyadooda iyo dhufeysyo ay qoteen ku leh deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba ee hoostaga magaalada, sidoo kalena waxay iyagoo qaab kooxo kooxo ah u abaabulan ay ku sugan yihiin hareeraha waddada laamiga oo dhir badan ay qarisay.

Shabaabka ayaa ku mintidaya inay sii haystaan magaalada, taas oo ay ka caawineyso dhulka hawdka ee ka soo horreya magaalada oo ay ka dhex dagaalamayaan.

Hawlgalkan ayaa waxaa ka muuqanaya dib u dhac, marka aad eegto in ciidamadu ay ka soo baxeen dhul ay maalmo ka hor isku fidiyeen.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay gadaal ka soo weerareen kooxo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa qiimo ku bixinaya, sidii ay gudaha ugu geli lahaayeen dhulka ciriiriga ah ee lagu dagaalamayo, taasi bedelkeeda Shabaabka ayaa waxaa u fudud in ay dibadda uga soo baxaan, maadaama ay dhulka kala garanayaan, isla-markaana ay heli karaan waddooyin qarda-jeex ah oo ay ugu soo weydaaran karaan ciidamada.

Dhulkan uu hawlgalku ka socdo ayaa ah dhul ay Shabaabku ku xidideysteen, isla-markaana ay 17 sano ka arriminayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo feejignaan ka muujinaya in dhabar jebin lagu sameeyo ay haatan hawlgal sifayn ah iyo is ballaarin ka wadaan dhulka hawdka ee ku teedsan deegaanada Kabsuuma, Baladul Amiin, Baladul Raxma iyo goobaha ku dhow dhow.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Gaarka ee Kumaandooska Danab ay gudaha u galeen deegaanka Mugaanbow oo 15km dhanka waqooyi uga beegan Jamaame.

Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo si wadajir ah hawlgalkan u fulinaya ayaa dagaal adag kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa waxaa hawada ka taageeraya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah, oo mararka qaarkood garaacaya bartilmaameedyada ay maleeshiyadu ku leedahay dhulka hawdka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay mar kale garaaceen deegaanka Koban, halkaas oo Shabaabku ay ku leeyihiin mid ka mid ah saldhigyadooda ugu muhiimsan ee ku yaala bannaanada magaalada.

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegaya in duqaymo kale ay ka dhaceen aagagga Malaaley iyo Muuse Xaaji, oo gurmad Shabaab ah oo ka yimid Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ay gaareen.

Hawlgalkan ayaad arki kartaa in uu culeys ku yahay Shabaabka, haddana waxay Shabaabku muujinayaan in ay adkeysi u leeyihiin difaaca magaalada.

Shabaabka ayaan Jamaame uga tagi karin, si ay si ammaan ah ugu joogaan Degmada Jilib, oo ay ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee dalka.