Wararkii ugu dambeeyay natiijada doorashada Turkiga

Doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ayaan weli lagu kala bixin, inkastoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu hoggaaminayo natiijada codadka illaa iyo hadda la tiriyay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Turkiga, Ahmet Yener ayaa ayaa goor dhow ku dhawaaqay natiijiyada sanaadiiqda codadka ee illaa iyo hadda la tiriyay iyo tirada codadka ay kala haystaan musharaxiinta.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in musharaxiinta ay codadka u kala heleen:-

Recep Tayyip Erdogan (49.44%)

Kemal Kilicdaroglu        (44.96%) 

Sinan Ogan                    (5.20%)

Muharrem Ince              (0.40%)

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in natiijadani ay tahay illaa iyo hadda codadka laga helay tirada sanaadiiqda ee la tiriyay, isla-markaana ay jiraan sanaadiiq fara-badan oo aan weli la tiran.

Gudoomiyaha ayaa caddeeyay inaanan weli la tirin in ka badan 3.4 milyan oo codad, oo ah codbixiyeyaasha ku nool dalka dibaddiisa, sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan 27 sanduuq oo gudaha dalka ah oo aan weli la tirin, isagoona wadarta guud ee tirada sanaadiiqda illaa iyo hadda la tirin ku sheegay 1,556 sanduuq.

Natiijada kama dambeysta ayaa lagu dhawaaqi doonnaa gelinka dambe ee maanta amaba berrito.

Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in tirada sanaadiiqda harsan aanay go'aamin doonn cidda ku guuleysaneysa doorashadan, isla-markaana dalka laba qaban doono wareeg labaad oo doorasho ah.

Madaxweyne Erdogan iyo hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka ee Kilicdaroglu ayay u badan tahay n 28-ka bishan ay ku tartamaan wareegga labaad ee doorashada, si midkood uu ugu guuleysto.