Wararkii ugu dambeeyay toogashada Raysal Wasaaraha Slovakia iyo ninka toogtay

Taliska Booliska Slovakia ayaa sheegay in uu isku day dil ahaa falka toogashada ee lagu dhaawacay Raysal Wasaare Robert Fico.

Raysal Wasaaraha ayaa Arbacadii lagu dhaawacay magaalada bartamaha dalkaasi ku taala ee Handlová. Raysal Wasaaraha ayaana ka soo baxay shir ay dowladdu Arbacadii ku qabatay magaaladaasi, ka hor inta aan la toogan.

Nin hubeysnaa ayaa dhowr xabadood ku dhuftay Raysal Wasaaraha, iyadoona ay rasaastu ka haleeshay caloosha iyo gacanta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi ayaa bayaan ku sheegtay in toogashada Raysal Wasaaraha ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed.

Juraj Cintula oo 71 jir ah ayay ciidamada amnigu u soo xireen falkaasi, waxayna boolisku ay maanta ku soo eedeeyeen in uu gaystay isku day dil.

Telefishinka Qaranka ayaa tebiyay in ninkaasi uu laamaha amniga u sheegay in uu qorsheeyay weerarka dhowr maalmood ka hor, balse aanu ujeedkiisu ahayn in uu dilo Raysal Wasaare Fico.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Slovakia, Matúš Šutaj Eštok oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeysanuhu uu yahay nin keligiis ah oo ka soo horjeeda dowladda.

Wasiirka ayaa xusay in weerarku uu ahaa mid siyaasadeysan iyo in go'aanka eedeysanaha uu si dhow ugu dhashay, ka dib doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaasi. Peter Pellegrini oo horey u soo noqday Raysal Wasaaraha Slovakia ayaa bishii April loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha xigga ee dalkaasi.

Booliska ayaa rumeysan in shakhsiga weerarka gaystay uu yahay nin keli duul ah, isla-markaana aysan jirin cid kale oo kala shaqeysay qorshaha weerarka, sida ay ku warantay Warbaahinta gudaha.

Weerarkan ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoona ay dadku si weyn u hadalhayaan toogashada sida xun loogu dhaawacay Raysal Wasaaraha.

Tomas Taraba, Raysal Wasaare Kuxigeenka Slovakia ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan, ayna iska ilaaliyaan faafinta wararka been abuurka ah, qof walbana ay tahay inuu xaaladda dejiyo.

Wasiirka Difaaca Slovakia, Robert Kaliƈák ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu qabo dhaawac culus, isla-markaana ay dhakhaatiirtu la tacaalayaan xaaladdiisa.

Raysal Wasaare Fico oo 59 jir ah ayaa ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Yurub ee taageersan Ruushka. Fico ayaa caan ku ah baaqyadiisa ku saabsan in la joojiyo taageerada militari ee Ukraine iyo in la soo afjaro cunaqabateynada saaran Ruushka.

Dalka Slovakia oo xubin ka ah Midowga Yurub iyo Gaashaanbuurta NATO ayay dadkiisu sanadahaanba ku kala qaybsanaayeen siyaasadda.

Weerarkan ayaa imanaya toddobaadyo uun ka hor Doorashada Baarlamaanka Yurub ee la qaban doono bisha soo socota ee June.

Madaxweynaha cusub ee Slovakia, Peter Pellegrini ayaa danleyda siyaasadda ee dalkiisa ugu baaqay in ay joojiyaan ololaha ay ugu jiraan Doorashada Baarlamaanka Yurub.

Haddii lagu helo dembiga, Cintula ayaa wajihi kara ugu yaraan 25 sano oo xarig ah ama xabsi daa'in, sida ay ku warantay Warbaahinta Slovakia.