Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada gaabiska ee xabad joojinta Gaza

Wada hadaladan oo illaa Jimcihii si gaabis ah uga socday dalka Qatar ayaa u muuqdo mid mar kale guuldareystay, xili ay jirto rajo laga qabo in markan heshiis la gaari karo.

Kooxda dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu gadaal ka riixayo ayaa wada hadalo la yeeshay wafuudda Israel iyo Xamaas ee horey u gaaray Caasimadda Doha.

Inkasta oo dhinacyadu aysan si toos ah isu soo horfariisan, haddana dhexdhexaadiyeyaasha ayaa u kala akhbaar qaadayay labada dhinac, si ugu yaraan ay meel dhexe isugu yimaadaan.

Wada hadalada ayaa diiradda lagu saaray, sidii heshiis looga gaari lahaa xabad joojinta Gaza, maxaabiistana la isku dhaafsan lahaa.

Wada hadaladan is barbar socday ayaa waxaa la soo sheegaya in wax natiijo ahi aysan ka soo bixin, inkastoo uu jiro cadaadis caalami ah oo ku saabsan in la joojiyo dagaalkan.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Israel ay Axaddan dib ugu  laabteen Magaalada Tel Aviv, iyagoo markaasi wadatashi la yeelanaya madaxda maamulkaasi.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa inaanan wax xal ah laga gaarin khilaafaadka joogtada ah ee Xamaas iyo Israel, isla-markaana ay weli taagan tahay doodda is mari-waaga, sidaana ay wafdigu dib ugu soo laabteen Tel Aviv.

Israel ayaa waxay ku adkeysanaysaa in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo dagaalka Gaza, in ciidamadeeda aan laga soo wada saarin iyo in la sii daayo maxaabiista Israeliyiinta ah ee lagu haysto gudaha Gaza, iyadoo ayna Xamaas ku bedelaneyso gargaaar mug leh oo la gaarsiiyo dadka Gaza iyo maxaabiista Falastiiniyiinta oo qaarkood laga sii daayo xabsiyada Israel.

Xamaas ayaa iyana ku gorgortameysa xabad joojinta waarta oo laga sameeyo Gaza, in Ciidamada Israel ay ka wada baxaan meelaha ay ka joogaan Gaza oo dhan, dib-u-dhiskeeda, in dadku ay si caada ah ugu laabtaan guryahoodii laga soo barakaciyay iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.

Danaha is diidan ee labada dhinac ayaa adkeeyay in wax horumar ah laga sameeyo heshiiska xabad joojinta ee sida weyn loo daneynayo.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la soo sheegaya in uu kulan la leeyahay Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiiisa, maadaama uu cadaadis kaga imanayo xulafadooda ugu muhiimsan ee dibadda.

Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich oo lagu tilmaamo laba nin ee ugu xagjirsan xukuumadda isbahaysiga ayaa si weyn uga soo horjeedo in Tel Aviv ay heshiis nabadeed qaadato, iyadoo aan Xamaas la burburin.

Wasiiradan ayaa Warbaahinta ka sheegaya in ay ridi doonaan xukuumadda ku dhisan taageeradooda, haddii aan dalabkooda la dhageysan. Netanyahu ayaan dooneyn inay burburto xukuumaddiisa, si aan dalka looga qaban doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Netanyahu ayaa sidoo kale wajahaya cadaadis kale oo gudaha ka haysta, oo shacabka Israel ay kaga dalbanayaan xukuumaddiisa inay hehiis la gasho Xamaas, si maxaabiista looga haysto Gaza ay iyagoo nool guryahooda ugu soo laabtaan.

Ma cadda, sida Netanyahu uu dagaalkan ku sii wadi karo, marka Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump uu xafiiska la wareego 20-ka bishan, waana waxa uu kala hadlayo Wasiirada mayalka adag.

15 cisho ayaa ka harsan waqtiga kama dambeysta ee Trump uu u qabtay in lagu soo afjaro dagaalka lagu la'day ee Gaza.