Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada Xamaas iyo Israel

Wafdi ka socda Ururka Xamaas ayaa Sabtidan gaaray Magaalada Qaahira, halkaas oo lagu wado inay dib uga bilowdaan wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Israel.

Iyadoo uu xoogeysanayo cadaadiska caalamiga ah ee ay dhinacyadu wajahayaan ayaa waxaa jira rajo laga qabo in markan heshiis la gaaro, inkastoo weli ay caqabado ku gadaaman yihiin.

Afhayeenka Xafiiska Siyaasadda Xamaas, Osama Hamdan ayaa sheegay inay jiraan tallaabooyin horey loo qaaday.

Afhayeenka ayaa sheegay in wafdigooda ay ugu safreen dalka Masar, si ay u dhameystiraan wada hadalada xabad joojinta ee Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.

Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa isku soo jiidjiidaya dhinacyada, halka Mareykankuna uu gadaal ka riixayo dhaqangelinta hindisihii ugu dambeeyay ee heshiiska xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ee Gaza.

Hindisaha ayaa soo jeedinaya in muddo 40 cisho ah la hakiyo dagaalka Gaza, in Xamaas ay sii deyso tobanaan ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, ayna ku bedelato maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel iyo in sahay badan oo cunto, biyo iyo dawo ah la gaarsiiyo shacabka ku nool dhulka go'doonsan.

Caqabadda ugu weyn ee ku gadaaman in heshiis la gaaro ayaa ah Xamaas oo ku adkeysaneysa in xabad joojintu ay noqoto mid waarta iyo Israel oo iyadu ka biyo diidan.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa Xamaas ku boorinaya in heshiiska ay aqbasho, iyagoona u muujinaya kalsoonida ah in Israel aysan dib u bilaabi doonin hawlgaladeeda militari ee Gaza, sababo ku aaddan Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo aan doonayn in dagaalkan uu sii socdo.

Weerarada arxan-darrada ah ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa si weyn u saameeyay dalka Mareykanka, waana markii ugu horreysay oo waxyaabo ka dhacaya dibadda ay sidaan oo kale u saameeyaan gudaha Mareykanka.

Inkastoo Madaxweyne Biden uusan meel cidlo ah uga taggi karin Israel, haddana waxa uu isku dayaya in uu gacmaha qabto Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo ku hanjabay in ciidamadiisa ay duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadi doonaan goobtii ugu dambeysay Gaza ee Rafah, oo ay soo buuxdhaafiyeen inta badan dadkii laga soo barakaciyay guryahooda. Rafah waxaa hadda ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay 1.5 milyan oo barakacayaal ah, waana inta badan dadka reer Gaza.

Shacabka Mareykanka ayaa Madaxweyne Biden ku cadaadinaya in uu wax ka qabto dhiigga uu gacmaha kula jiro Netanyahu, haddii uu doonayo in mar kale uu xafiiska ku soo laabto.

Biden ayaa lagu wadaa in bisha November uu dib ugu tartamo jegada madaxtinimada ee dalkaasi, ha yeeshee waxa uu fahamsan yahay inaanu doorashadan ku guuleysan karin, inta Netanyahu uu isku dayayo in la sii wado dilka iyo gaajeysiinta ee shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan dadka reer Gaza ayaa dhalisay carro caalami ah, iyadoona Mareykanka uu dunidu kala kulmay dhalleeceen xoog leh taageeradiisa joogtada ah ee Israel.

Biden ayaa la sheegaya in haddii uu ku guuldareysto doorashada daba-yaaqada sanadkan uu u eersan doono taageerada uu siiyo maamulka ay majaraha u hayaan madaxdii ugu xagjirsaneyd ee hoggaamisa Israel.

Si kastaba ha-ahaatee Biden ayaan doonayn in uu lumiyo tartanka doorashada soo socota, waana sababta ugu weyn ee la iskugu dayayo in Xamaas looga dhaadhiciyo in ay abqasho heshiiskan, taasoo u damaanad qaadeysa in Israel aysan dib u bilaabi doonin weeraradeeda.

Xeeldheereyaasha ayaase qaba in Israel ay mar kasta dib u bilaabi karto dagaalka, inta ciidamadeeda ay weli ku sugan yihiin Marinka Gaza.

Netanyahu ayaa cadaadis kala kulmaya xisbiyada isbahaysiga la ah xukuumaddiisa, kuwaa oo ka dalbanaya in la ballaariyo duulaanka lagu hayo Gaza, isagoona doonaya in uu isku hayo xulafadiisa gudaha iyo dibadda.

Xukuumadda Netanyahu ayay muhiim u tahay taageerada xisbiyada shuraakada kula ah xukuumaddiisa, oo haddii ay taageerada kala laabtaan ay khasab noqon doonto in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana tan uu Netanyahu ka cararayo.