Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa gebi dhacleynaysa, marka aad eegto inaanan la garaneyn cidda maamuli doonta maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Arbacadii weerar culus ku ekeysay degmadaasi oo laga saaray laba sano ka hor, iyadoona maleeshiyadaasi ay u suurtagashay in saacado ka dib ay dagaalka ku qabsato degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay weli ku sugan tahay degmadaasi, isla-markaana ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ku sugan yihiin goobo aan sidaasi uga fogeyn degmada.

Ma jirto wax dagaal ah oo maanta ka dhacay degmadaasi, inkastoo dadka deegaanka ay kuu sheegayaan in xaaladdeedu ay weli kacsan tahay.

Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay in xalay xagga cirka laga garaacay maleeshiyada ku sugan degmadaasi, duqayntana lagu dilay 12 ka mid ah.

Dowladda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in duqayntaasi ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), si loo ciribtiro khatarta Shabaabka.

Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku barakacay dagaalkii shalay, iyadoo maantana ay jireen qoysas kale oo ka qaxay guryahooda. Dadku ayaa waxay qabaan walaac ku saabsan in mar kale lagu dul dagaalami doono, haddii ay sii joogaan.

Dadku waxay arkaan in maleeshiyadu ay dhufeysyo ka sameysatay gudaha iyo bannaanada degmadaasi, isla-markaana uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka wado dhaqdhaqaaq xoog leh oo ku aaddan, sidii maleeshiyadaasi dib looga saari lahaa degmada.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Militariga Somaliya iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ay diyaargarowgooda ugu weyn ka wadaan xuduudda Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in la soo geba-gabeeyo Shabaabka haysta degmadaasi, guluf cir iyo dhul ahna lagu qaado.

Shabaabka ayaa beegsaday Degmada Aadan Yabaal, maadaama ay fahamsan yihiin inay ahayd taliska ugu weyn ee Militariga Somaliya uu ku leeyahay deegaanada Hirshabelle, muddooyinkii u dambeysayna uu ka socday abaabul iyo dhaqdhaqaaq ay ciidamadu dib ugu qabsanayaan deegaanadii ay iyagu billihii February iyo March ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkii Arbacadii ayaa ahaa kiisii ugu xooganaa ee ka dhaca degmadan, tan iyo markii laga saaray maleeshiyada Shabaabka.

Shabaabka ayaa lumiyay degmadaasi wax yar uun ka dib, markii wejiga koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka uu ka bilowday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Shabaabka ayaa dhowr iyo toban sano gacanta ku hayay maamulka degmadaasi oo ku taala goob istiraatiiji ah, ka hor inta aan dagaal looga saarin 1-dii bishii January ee sanadkii 2023.