Webiga Shabelle oo ku fatahay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Webiga Shabelle uu ku fatahay xaafadaha degmadaasi.

Biyo xoog leh oo ka soo rogmaday dhanka dalka Itoobiya ayaa keentay in webiga uu ku fataho degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in fatahaaddu ay kala jartay isu socodka labada daamood ee degmada oo webiga uu dhex maro.

Muuqaalo laga soo qaaday degmadaasi ayaa muujinaya biyaha webiga oo ka sare maray buundada kala qaybisa bariga iyo galbeedka Buulo Burde.

Maamulka Degmada Buulo Burde ayaa sheegay in fatahaaddu ay saameysay afarta xaafadood ee degmada, isla-markaana ay dadku ka barakacayaan.

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Degmada Buulo Burde, Jaliil Ciise Maxamed (Foodey) ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in gurmad degdeg ah lala soo gaaro qoysaska ku barakacay fatahaaddaasi.

Buulo Burde waa degmada saddexaad ee Gobolka Hiiraan ee uu maro Webiga Shabelle, marka laga soo taggo Beledweyne iyo Jalalaqsi.

Webiga Shabelle ayaa horaantii bishan ku fatahay magaalada ugu weyn Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, haatana waxa uu ku fatahay magaalada labaad ee gobolkaasi ugu weyn ee Buulo Burde.