Weerar ay dad badan ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Tel Aviv

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah oo maanta ka dhacay Magaalada Tel Aviv, kaas oo dad badan oo reer Israel ah ay ku waxyeeloobeen.

Nin Falastiini ah oo kaxeynayay gaarigaasi ayaa jiiray boosteejo basaska laga raaco oo ku taala xaafadda Glilot ee waqooyiga Tel Aviv.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi uu gaariga ku dhuftay gaari kaloo bas ahaa oo goobta ka rakaabsanayay iyo dad kale oo boosteejada ku sugnaa.

Muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka amniga ee waddada ku xiran ayaa muujinaya in weerarku uu ka dhacay goob saxmad badan iyo dadkii waddada ku sugnaa qaarkood oo ku hoos xanibmay gaariga hoostiisa.

Shaqaalaha Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa halkaasi ka daadgureeyay dhaawacyada dhowr iyo soddon qof.

Ronit Glazer oo ka tirsan Shaqaalaha Adeegga MDA ayaa sheegtay in weerarku uu gaystay khasaare ballaaran.

Goobaha caafimaadka ayaa laga soo xigtay in ay qaabileen dhaawacyada 33 qof, kuwaa oo lix ka mid ah ay xaaladdoodu liidato. Warbaahinta maxaliga ayaa sheegtay in hal qof uu mar dambe u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarka.

Weerarka ayaa dhacay, iyadoo dadku ay maanta dib ugu soo laabanayeen shaqooyinkooda, ka dib toddobaad fasax ah.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa kaabiga ku haysa Taliska Sirdoonka Militariga iyo Xarunta Hay’adda Sirdoonka ee Mossad, waana meel si weyn amnigeeda loo ilaaliyo.

Xubno ka mid ah Israeliyiinta la hubeeyay oo goobta ka ag-dhawaa ayaa sida la sheegay toogasho ku dilay ninkaasi.

Dhanka kale Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Rami Nasrallah Natour loo aqoonsaday in uu yahay ninka weerarka gaystay. Waa Falastiini haysta dhalashada Israel, kana soo jeeda magaalada Carabta ee Qalansawe ee bartamaha Israel.

Natour oo 44 jir ahaa ayaa la sheegay in uu ifka uga tagey lix carruur ah iyo hooyadood.

Booliska Israel ayaa weerarkan u tixgelinaya, kiisii ugu weynaa ee ka dhaca Tel Aviv, muddada 13-ka bilood ku dhow ee dagaalka Gaza uu socdo.

Weerarada tooriyeynta, toogashada iyo gaari jiirsiinta ayaa billihii u dambeeyay ku soo badanayay deegaanada Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.