Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay dalka Mareykanka

Ugu yaraan toban qof ayaa lagu dilay, tobanaan kalena waa lagu dhaawacay, ka dib weerar gaari jiirsiin ah iyo toogasho uu nin hubeysan uu subaxnimadii hore ee Arbacadan ka gaystay Magaalada New Orleans ee dalkaasi Mareykanka.

Saraakiisha Gobolka Louisiana ayaa sheegay in ninkaasi uu gaariga jiirsiiyay dad u dabaaldegayay sanadka cusub, ka dibna uu bilaabay in uu rasaas ku furo.

Taliyaha Booliska New Orleans, haweeneyda lagu magacaabo Anne Kirkpatrick ayaa sheegtay in ninkaasi uu isku dayay in uu laayo dhammaanba dadkii goobta ku sugnaa.

"Wuxuu ahaa mid u heelan abuurista xasuuqa iyo waxyeelada ugu badan." Ayay tiri Anne Kirkpatrick.

Anne Kirkpatrick oo Warbaahinta la hadashay ayaa tiri "Eedeysanaha oo hadda dhintay ayaa ku wareegay xeendaabka loo dhisay amniga. Ka dib markii uu shil galay gaari xamuul oo uu watay ayuu ka soo degay, wuxuuna bilaabay inuu rasaas furo."

Anne Kirkpatrick ayaa xustay in ninkaasi uu sidoo kale toogasho ku dhaawacay laba ka mid ah Ciidanka Booliska, kuwaa oo ay sheegtay in xaaladdooda ay degan tahay.

Baareyaasha Federaalka Mareykanka iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ee New Orleans ayaa bilaabay baaritaano la xiriira weerarkaasi, oo lagu dilay 10 qof, 35 kalena ay ku dhaawacmeen.

Duqa Magaalada New Orleans, LaToya Cantrell ayaa weerarka ku tilmaamtay fal argagixiso oo ka dhacay magaaladeeda.

Hay'adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay baareyso in weerarka ka dhacay Waddada Bourbon uu yahay mid argagixiso iyo in kale.

Althea Dunca oo ka tirsan FBI-da Mareykanka, lana hadashay Warbaahinta ayaa dib ka sheegtay in weerarku aanu ahayn mid argagixiso, iyadoo hadalkeeda uu liddi ku yahay warka ka soo yeeray LaToya Cantrell.

LaToya Cantrell ayaa codsatay in loo duceeyo dhibaneyaasha 1-da bisha January ee sanadka cusub ee 2025.

Gudoomiyaha Gobolka Louisiana, Jeff Landry ayaa dhankiisa fal argagax leh ku tilmaamay, waxa ka dhacay magaaladaasi.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in dhacdada lala wadaagay Madaxweyne Joe Biden.

Ma cadda, cidda uu ka tirsan yahay ninka weerarka gaystay, balse Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in baareyaasha ay wadaan baaritaan ku saabsan, bal inuu xiriir la lahaa kooxo ku sugan dalka dibaddiisa.