Xaalad cadaab ah oo ka jirta waqooyiga Marinka Gaza
Israel ayaa sii wadda gacanta ee ay isku dayeyso in ay ku maquuniso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool waqooyiga Marinka Gaza, si gebi ahaantooduba ay halkaasi uga sifeyso.
Ciidamada Israel ayaa tan iyo bilowgii bishan go'doomin daran ku haya qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza, iyadoona ay sii socoto duqaymaha ay gaysanayaan diyaaradahooda dagaalka. Duqaynta ayaan ku koobneyn waqooyiga keliya, laakiin ay ka jirto Marinka Gaza oo dhan.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa maanta sheegtay in 22 qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay duqayn loo gaystay guryo ay dadku deganaayeen.
"11 haween ah iyo laba carruur ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay duqaynta loo gaystay dhowr guri iyo dhismayaal ku yaala Beit Lahiya. 15 kale ayaana ku dhaawacmay weerarka." Ayay wasaaraddu ku sheegtay war ay soo saartay.
Militariga Israel ayaa iyagu sheegay inay beegsadeen dhisme ku yaala Beit Lahiya, oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta. Militarigu waxay sheegeen inay qaadeen tallaabooyin ay kaga hortagayaan inay dhibaateeyaan shacabka, waxayna su'aal ka keeneen tirada dadka rayidka ah ee la sheegay in halkaasi lagu dilay.
Hay'adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza iyo kooxaha samatabixinta ayaase sheegay in halkaasi lagu laayay dad aan waxba galabsan, taasoo ka garan karto in burburka laga soo saaray meydadka iyo dhaawacyada saddex qoys.
Sidoo kale 20 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay saakay beegsadeen dhisme la deganaa oo ku yaala xerada qaxootiga Jabalia.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dhismaha la duqeeyay uu kaabiga ku hayo Dugsiga Al-Fakhoura, oo ay gabaadsanayaan qoysas horey u soo barakacay.
Militariga Israel ayaa shacabka ku cadaadinaya in ay ka wada guuraan waqooyiga Marinka Gaza oo dhan, iyagoona ka jaray raashiinkii, biyihii, shidaalkii iyo sahayda dawada ee aadka loogu baahan yahay.
Waxaan jirin waddooyin nabdoon oo shacabka ay adeegsan karaan, sababtoo ah waxaa lagu ugaarsanayaa waddooyinka, iyadoo qaarkood la dilayo, kuwo kalena ay adag tahay inay ka baxsadaan xariga ciidamada fariisamaha ka sameystay isgoysyada.
Inta badan dhaawacyada la gaynayo goobaha caafimaadka ee halkaasi ku yaala ayaa u badan hooyooyin iyo dhallaankii ay dhalleen. Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in dhowrka toddobaad ee ay hawlgalkan wadaan ay dileen illaa kun qof oo dad shacab ah, kuwo kaloo faraha badana ay dhaawaceen.
Dadka ay u suurtagashay inay halkaasi ka baxsadaan ayaa waxay qaarkood wax mucjiso ah ku sheegeen in iyagoo nool ay soo gaaraan deegaanada dhaca bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza.
Dadkan ayaa Warbaahinta u sheegay inay waddooyinka daadsan yihiin meydadka dad badan oo la dilay, isla-markaana ay xaafadaha ku go'doonsan yihiin dhaawacyada dad ay adag tahay in loo gurmado. Shaqaalaha ambalaasyada ayaan tagi karin meelaha dhibaatada laga soo sheego, maxaa yeelay gaadiidkooda ayaan loo ogoleyn inay halkaasi taggaan.
Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in xaalad cadaab ah ay ka jirto xaafadaha ku yaala waqooyiga Marinka Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in muddada uu hawlgalku socdo aan wax gargaar ah la gaarsiinin meelaha qaarkood ee waqooyiga Marinka Gaza, sida xerada qaxootiga Jabalia.
Hay'adda UNRWA waxay caddeysay in Jabalia oo dadka ugu badan ay ku nool yihiin ay wajahayaan cunno yari ba'an iyo weliba biyo la'aan, isla-markaana ay dadkaasi yihiin kuwo ku nool xaaladdii ugu adkeyd ee bani'aadantinimo.
UNRWA ayaa dunida u sheegtay in sidoo kale ay sahayda dawada ka go'day isbitaalada waqooyiga Gaza, xilli ay Ciidamada Israel weerar ku hayaan.
Shaqaalaha caafimaadku waxay xaqiijiyeen in shidaalka, korontada iyo dawada ay ka go'an yihiin isbitaalada, is hortaaga lagu hayana ay caqabad ku tahay badbaadada dhaawacyada iyo bukaanada kale.
Dhammaan hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka, kana hawlgala Marinka Gaza waxay si isku mida ay digniin uga bixinayaan in dadka u badan qoysaska ee halkaasi ku go'doonsan ay u dhintaan gaajo iyo haraad.
Dadku haddii ay ka badbaadaan duqaymaha, toogashada iyo xariga Ciidamada Israel ayaa waxaa adag inay ka badbaadaan gaajada iyo haraadka, waana qorshaha dagaal ee Israel ku wahaheyso shacabka aan hubeysneyn, isla-markaana aan khatarta amni ku ahayn.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell iyo masuuliyiin kale ayaa Israel ugu baaqay inay waddooyinka u furto gawaarida gargaarka iyo kooxaha badbaadada, si loo badbaadiyo nafo badan, ha yeeshee ay dhegaha ka oodatay.
Wadarta guud ee tirada dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo bilowgii dagaalka ayaa sii caga-cageynaysa 42,847 qof, 100,544 kalena ay dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Kororka degdegga ah ee dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee shacabka aan waxba galabsan ayaa ah wax laga argagaxo.
Tallaabooyinka ay Israel uga sii dareyso xaaladda dadka rayidka ah ayaa ka dhigan inaysan diyaar u ahayn in ay ka jawaabto baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inay ogolaato in wax laga qabto masiibada gacan ku sameyska ah ee bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.