Xabad joojinta Israel iyo Xisbullah oo cago badan aan ku taagneyn
Heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xisbullah ayaa laga cabsi qabaa inuu burburo, ka dib markii maalinta labaad ee dhaqangelinta heshiiska ay dhaceen dhacdooyinka jebin kara heshiiska.
Ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo Israel ayaa habeenkii Talaadadii ku heshiiyay xabad joojin soconeysa lixdan cisho, taas oo ka bilaabaneysay Arbacadii, oo haddii ay si sax ah u shaqeysana ay mustaqbalka sii waari doonto.
Inkastoo xabad joojintu ay sii socoto ayaa waxaa haddana deegaanada xuduudda ee Lubnaan laga soo wariyay weeraro ay Ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen dad reer Lubnaan ah oo dib ugu laabanayay guryahooda xuduudda.
Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in Israel ay duqaysay saddex deegaan oo ku yaala aagga xuduudda, isla-markaana ay laba qof ku dhaawacmeen deegaanka Markaba ee koonfurta dalkaasi.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay ogaadeen in xubno la tuhunsan yahay ay halkaasi yimaadeen, isla-markaana ay qaadeen tallaabooyin ay dib ugu caabinayaan.
Taliska ayaa sheegay in imaanshaha xuduudda ee dadka la tuhunsan yahay ay xadgudub ku tahay heshiiska xabad joojinta.
Militariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay gantaal ku dhufatay goob lagu kaydiyo gantaalaha Xisbullah.
Waa mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee maanta laga soo sheego koonfurta Lubnaan, lagana yaabo inay soo cusbooneysiiso colaadda. Tel Aviv ayaa sheegtay in ficiladeedii Khamiistan aysan ka dhigneyn inay xabad joojinta jebisay.
Xisbullah waxay Israel ku eedeysay in ay jebineyso wixii lagu heshiiyay, isla-markaana ay meelaha qaarkood isku dayeyso in shacabka ay ka hor istaagto in guryahooda ay ku laabtaan.
Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in cadaadiska militari ee Israel uu Xisbullah ka hor istaagi karo inay banneyso meelaha la doonayo in ay ka baxdo, taasna ay caqabad ku noqoneyso inaanu heshiisku fulin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar oo Warbaahinta ka soo muuqday, isagoo ku sugan Magaalada Prague ee dalkaasi Czech ayaa ku hanjabay inaysan ogolaan doonin in Xisbullah ay sii joogto amaba ay dib ugu soo laabato koonfurta Webiga Litani, isagoona uga digay inay carqaladeyso xabad joojinta.
"Warqadda waxa ku qoran ma ahan xaqiiqada. Waxa ugu muhiimsan waa waxa gudaha dhulka ka socda, mana ogolaan doono in heshiisku uu fashilmo. Waxaan si adag uga jawaabi doonnaa xadgudub kasta, mana u ogolaan doono Xisbullah inay u soo gudubto dhinaca koonfureed ee Webiga Litani. Sidoo kale ma ogolaan doono in Xisbullah ay dib u soo dhisto xarumaheedii militari ee xuduudda, isla-markaana ay mar kale khatar ku noqoto Israel." Ayuu yiri Wasiirka.
Heshiiska ayaa dhigaya in Xisbullah aysan ka soo gudbin waqooyiga Webiga Litani ee mara koonfurta dalkaasi, isla-markaana ay muddada heshiiska ku-meel-gaarka ah ku soo afjarto joogitaankeedii xuduudda.
Israel ayay iyana tahay in muddadaasi ay ciidamadeeda si tartiib tartiib ah uga la baxdo meelaha ay kaga sugan yihiin xadka koonfureed ee Lubnaan, si looga fogaado isku dhacyada soo noqnoqday ee labada dhinac.
Xabad joojintan oo Mareykanka uu ka soo shaqeeyay ayuu ujeedku yahay in xasillooni lagaga dhaliyo labada dal, ka dib ku dhawaad laba bilood oo dhinacyadu ay ku lug lahaayeen dagaal culus oo ku dhex marayay xuduudda iyo sanadkii ka sii horreyay oo gantaaladooda ay isaga gudbayeen dhulka xuduudda ee dalalkaasi.