Xamaas oo ka hortimid heshiiska muddada kooban lagu hakinayo colaadda Gaza

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa ka horyimid qodobada hindisihii ugu dambeeyay ee dadaalada lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Israel.

Mareykanka ayaa toddobaadkii hore soo jeediyay hindise ku baaqaya in wejigiisa 1aad la isla qaato xabad joojin muddo lix toddobaad ah oo lagu hakinayo colaadda Marinka Gaza, Xamaas-na ay sii deyso 40 ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza, iyadoo ku bedelaneysa boqolaal ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.

Wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas oo dhawaan dib uga bilowday Magaalada Qaahira, Mareykankuna uu gadaal ka riixayo ayuu qorshuhu ahaa in labada dhinac ay gaaraan heshiis xabad joojin bani'aadantinimo ah, isla-markaana ay is dhaafsadaan maxaabiis fara-badan.

Ururka Xamaas ayaa Talaadadii sheegay in Israel aysan buuxin mid ka mid ah shuruudihii ururka, ha yeeshee ay qiimeyn ku samayn doonaan soo jeedintan ay la soo wadaageen dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar, isla-markaana ay jabwaabtooda dib ugu celin doonaan Qaahira iyo Doha.

Xamaas ayaa Sabtidii shalay sheegtay in ay jawaabteeda soo jeedinta xabad joojinta ay u gudbisay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha. 

Wararka ayaa sheegaya in jawaabta Xamaas ay noqotay inay diido qodobada hindisaha cusub ee heshiiska, isla-markaana ay ku adkeysatay xabad joojin joogto ah.

Hay'adda Sirdoonka Israel ee Mossad ayaa sheegtay in Xamaas ay diiday hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ee Gaza.

"Diidmada soo jeedinta waxay caddeynaysaa in Madaxa Xamaas ee Gaza, Yahya Sinwar uusan doonayn heshiis bani'aadantinimo iyo in la haysteyaasha la soo celiyo." Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Hay'adda Mossad, oo maanta uu baahiyay Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Mossad ayaa Xamaas ku eedeysay inay ka faa'iideysanayso xiisadda ka dhex taagan Iran iyo Israel, isla-markaana ay ku dadaaleyso inay mideyso qaybaha, xiisaddana ay gaarto gobolka oo dhan.

Tel Aviv ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonto gulufka militari ee ka dhanka ah Xamaas, isla-markaana ay Xamaas ku beegsan doonto goob kasta oo ka tirsan Marinka Gaza, si ay guryahooda dib ugu soo celiso sida ay sheegtay 133 qof oo Israeliyiin ah oo lagu haysto gudaha Gaza.

Inkastoo Raysal Wasaare Netanyahu uu doonayo in la gaaro heshiis maxaabiis is dhaafsi ah iyo in muddo toddobaadyo ah la hakiyo dagaalka, haddana waxa uu diidan yahay inay soo afjaraan duulaankooda Gaza.

Xamaas ayaa iyadu dalbaneysa in xabad joojinto ay noqoto mid waarta, in Militariga Israel ay ka wada baxaan Gaza iyo in shacabka Falastiiniyiinta ee la barakaciyay ay dib ugu laabtaan guryahoodii, guud ahaan dhulka sida weyn loo go'doomiyay.