Xamaas oo Laanqeyrta Cas ku wareejisay saddex qof oo Israeliyiin ah
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maqribnimadan wareejiyay saddex ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza, tani oo qayb ka ah heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Israel.
Xoogaga Xamaas ayaa dadkan ku wareejiyay Laanqeyrta Cas, si loogu qaado dhinaca Israel.
Wareejinta ayaa ka dhacday Fagaaraha Al-Saraya ee xaafadda Al-Rimal ee galbeedka Magaalada Gaza, iyadoo saddexda qof ee la sii daayay ay haween yihiin.
Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa xaqiijiyay in saddexdaasi qof ay ku qaadeen gaadiidkooda, isla-markaana ay u wadaan xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza, si loogu wareejiyo Militariga Israel.
Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in Laanqeyrta Cas ay la soo wadaagtay sii deyntooda, isla-markaana ay u soo wadaan xuduudda Gaza iyo Israel.
Xamaas iyo Israel ayaa Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ku wareejinaya maxaabiista la qorsheeyay in la sii daayo maalmaha xabad joojinta.
Labada dhinac ayaa Arbacadii ku heshiiyay heshiis dhigaya saddex weji, oo midka horena uu soconayo 42 maalmood.
Xamaas ayay tahay in muddadaasi ay ku sii deyso 33 qof oo Israeliyiin ah, oo isugu jira haween, carrruur iyo weliba dad da' ah.
Israel ayaan dhankeeda xaqiijin inta qof ay muddadaasi xabsiyadeeda ka sii deyn doonto, balse Xamaas ayaa horey u dalbatay in maalin kasta la sii daayo ku dhawaad boqol Falastiiniyiin ah.