Xamaas oo sheegtay inaysan qaadan karin xabad joojin KMG ah oo loo soo bandhigay

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay inaysan aqbali doonin xabad joojin kasta oo ku-meel-gaar ah, taasna aysan Israel ka caawin karin sii deynta la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa ka shaqeynaya in xabad joojin ku dhawaad muddo bil ah laga hirgeliyo Marinka Gaza, iyadoo lala kaashanayo Masar iyo Qatar.

Taher Al Nunu oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa sheegay in ururku uu diiday soo jeedin kasta, oo ku aaddan in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo dagaalka sanadka ka badan ka socdo Gaza.

"Waxaan ku adkeysanaynaa xabad joojin waarta." Ayuu yiri Sarkaalka ka tirsan Xamaas, oo ku celiyay inaysan ogolaan doonin in dib loo bilaabo dagaalka, xabad joojinta ka dib.

"Fekerka ah in si KMG ah loo joojiyo dagaalka, hadhowna in dib loo bilaabo gardarrada waa wax aan horey u diidnay." Ayuu yiri Taher Al Nunu.

Al Nunu ayaa yiri "Xamaas waxay taageereysaa xabad joojin joogta ah oo dagaalka lagu soo afjarayo."

Warbaahinta ayaa Saraakiisha Xamaas ka soo xigatay in loo soo jeediyay xabad joojin wax ka yar muddo bil ah, si ay u sii daayaan 101 Israeliyiin ah oo lagu haysto gudaha Gaza, iyagoo ku bedelanaya qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel iyo in la fasaxo gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, William Burns iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea oo toddobaadkan Magaalada Doha kula kulmay Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa la wadaagay qorshaha xabad joojinta muddada gaaban.

Xamaas ayaa horey u caddeysay in dadaalada caalamiga ah ee xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Israel aynaan shaqeyn doonin, haddii aan rabitaankooda la tixgelin.

Xamaas ayaa dalbaneysa in si dhameystiran loo soo afjaro dagaalka, in Ciidamada Israel ay ka wada baxaan Marinka Gaza oo dhan iyo inay iyagu soo qortaan magacyada maxaabiista ay doonayaan in loo soo sii daayo.