Xamaas oo sii deysay askariga lagu magacaabo Edan Alexander

Ururka reer Falastiin ayaa goor dhow sii daayay Edan Alexander, oo ah askari Israeli ah, balse sidoo kale haysta dhalashada dalka Mareykanka.
Xamaas ayaa ninkaasi ku wareejisay Shaqaalaha Hay'adda Laanqeyrta Cas, kuwaas oo ka gudbiyay xuduudda, kuna wareejiyay Militariga Israel.
Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in Xamaas ay ninkaasi ku wareejisay Laanqeyrta Cas, oo iyaduna ku soo sintay gacantooda.
Qoyskiisa ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweyntiisa, iyagoona u dhararaya inta uu maamulka kaga soo wareejinayo, si qoyskiisa iyo saaxiibadii uu dib ula midoobo.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa in ciidamadu ay u qaadeen isbitaal ay sheegeen in caafimaadkiisa lagu baarayo.
Sii deynta Edan Alexander ayaa waxay ku timid, ka dib heshiiskii tooska ahaa ee xalay Xamaas iyo saraakiil ka socota Mareykanka ay ku gaareen Magaalada Doha.
Mareykanka iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay in la furo waddooyinka Gaza iyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan, ka dibna loo jiheysto wada hadalo lagu soo afjarayo colaadda Gaza.