Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa goor dambe oo xalay ahayd Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey, oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaan Seeyseey ayaa maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaan Seeyseey.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday Magaalada Muqdisho." Ayuu Gudoomiyuhu ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Xildhibaan Seeyseey ayaa in muddo ahba ku soo jiray Baarlamaanka Federaalka, iyadoona ay deegaan doorashadiisu ahayd Hirshabelle.

Xildhibaan Seeyseey ayaa noqonaya Xildhibaankii labaad ee ka tirsan Baarlamaanka 11aad oo geeriyooda. Horey waxaa Magaalada Nairobi 11-kii March ee sanadkii 2022 ugu geeriyooday Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, kaas oo Golaha Shacabka ka soo galay Jubbaland.