Xubno ka tirsan Shabaab oo lagu toogtay Isgoyska Bakaaraha

Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la sheegay in maanta ay Isgoyska Suuqa Bakaaraha ku toogteen laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

War ka soo baxay laamaha amniga ayaa lagu sheegay in raggan ay isku dayayeen in ay dhibaateeyaan ganacsatada suuqaasi.

Warka ayaa lagu sheegay in raggaasi ay ku hubeysnaayeen laba qori oo AK47 ah, markii dambena ay la wareegeen hay'adaha ammaanka.

Ciidanka NISA ayaa la sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen mooto bajaaj ay la socdeen raggaasi iyo weliba darawalkii waday.

Xalay ayay ahayd, markii ciidamada amniga ay xaafadda Bangaariyada ee Degmada Hodan ku toogteen nin ka tirsanaa Amniyaadka Shabaabka, kaas oo la socday xubno kale oo qorsheynayay in ay weeraro ka gaystaan xaafadda Taleex ee degmadaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa xaqiijiyay in israsaaseyn dhex martay labada dhinac uu sidoo kale ku dhaawacmay askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska.