Xuuthiyiinta oo mar kale weeraray Garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv

Xoogaga Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa gantaalkii saddexaad oo nooca ballaastikada ah ku weeraray bartamaha Israel, wax ka yar 24 saacadood.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa seeriga digniinaha ka kiciyay magaalooyin ay ka mid tahay magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, iyadoo mallaayiin Israeliyiin ah ay khasab ku noqotay in ay gabaad raadsadaan.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa Arbacadan sheegay in ay si sax ah u beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.
"Ciidamada Yemen ayaa gantaal ballaastik ah si guul leh ugu garaacay Garoonka Ben Gurion." Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.
Afhayeenka ayaa Warbaahinta la wadaagay in weerarku uu qayb ka yahay tallaabooyinka ay Yemen kaga jawaabeyso xasuuqa baahsan ee Israel ka waddo Marinka Gaza.
General Yahya Saree ayaa wacad ku maray in aanay culeyska ka qafiifin doonin Israel, illaa iyo inta ay ka joojineyso xasuuqeeda Gaza, kana qaadeyso go'doominta ay ku hayso.
Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, Ciidamada Israel ayaa Gaza ku dilay 52,928 qof, halka 119,846 kalena ay dhaawaceen, waxaana jira illaa toban kun oo kale oo nolol geeri aan midna lagu hayn, balse la tuhunsan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inaanay marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkooda ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin.
Dhanka kale shacabka Israel ayaa waxay ka cabanayaan kororka weerarada gantaalada Xuuthiyiinta, iyagoona sheegaya in xitaa ay ka shaqeysan la'yihiin.
Gantaalahan guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic ayaa baqdin iyo qalqal joogta ah ku haya Israeliyiinta, iyagoona ka walaacsan in mararka qaarkood uu gantaalku ka fara baxsanayo gantaalada Israel ee u diyaarsan inay ka hortaggaan gantaalada kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa maanta sheegay in Xuuthiyiinta ay gaysanayaan dembi dagaal, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay beegsanayaan dadka rayidka ah.
"Mallaayiin Israeliyiin ah ayaa hadda u cararaya hoy ay gabaadsadaan, tanina waxay ku dhaceysaa iyadoo dhammaan carruurtu ay aadayaan dugsiyo ama xanaanooyin. Tani waa nolol maalmeedka weeraradan, waxaana aaminsanahay in tani ay tahay dambi dagaal, sababtoo ah waxay beegsanayaan rayidka." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo ka hadlayay shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay Magaalada Tokyo oo booqasho uu ku joogo.
"Ma aqbali karno khataraha joogtada ah ee amnigeenna." Ayuu yiri Wasiirka oo Iran ku eedeeyay in ay iyadu gadaal ka taagan tahay weerarada ay Xuuthiyiintu gaysanayaan.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa lagu tilmaamaa ururka militari ee aan dowliga ahayn ee maanta ugu tunka roon Gobolka Bariga Dhexe.