Xuuthiyiinta oo sheegay inaysan dhageysan doonin digniinta kama dambeysta ah ee Israel

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inaysan weeraradooda u hakan doonin digniinta kama dambeysta ah ee kaga timid Maamulka Israel.
Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Danny Danon oo xalay khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Ururka Xuuthiyiinta uga digay in gantaal dambe ay ku soo weeraraan Israel, haddii kalena ay la kulmi doonaan jawaab adag.
Habeen barkii xalay, Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa gantaal ballaastik ah ku weeraray Israel, iyadoona dhawaqa seeriga digniinaha laga maqlay bartamaha Israel oo dhan, inkastoo aysan Tel Aviv sheegin cid wax ku noqotay gantaalkaasi.
Madaxa Guddiga Sare ee Kacaanka Xuuthiyiinta, Mohammed Ali Al Houthi oo u muuqday mid ka jawaabaya digniinta Israel ayaa sheegay inaysan jirin cid celin karta gacanta Yemen, inta uu xasuuqa ka socdo Marinka Gaza.
Waxa uu sheegay in shacabka Yemen aysan dhageysan doonin hanjabaadaha Israel, wax ka galayna aysan jirin.
Mohammed Ali Al Houthi ayaa ku hanjabay in weeraro hor leh ay ka gaysan doonaan gudaha Israel.
"Weerarada ka dhanka ah Maamulka Sahyuunidda way sii socon doonaan, taageerada Gaza-na waa mid iyana sii socon doonta." Ayuu yiri Mohammed Ali.
Sarkaalkan ayaa ku celiyay in shacabka Yemen aysan meel cidlo ah uga dhaqaaqi doonin walaalahooda Falastiin, inta ay wajahayaan gardarrada Israel.
Hoggaanka Xuuthiyiinta ayaa shuruud kaga dhigay joojinta weeraradooda ka dhanka ah Israel in la soo afjaro dhiigga dadka reer Gaza ee ay Israel daadineyso iyo go'doominta ay muddada dheer ku hayso.
Xuuthiyiinta ayaa ah ururka keliya ee militari ee Bariga Dhexe ee taageeraya dadka reer Gaza, iyagoona ka dhiidhinaya gumaadka lagu hayo iyo gurmadka bani'aadantinimo ee laga hortaagan yahay.


