8 sano oo laga joogo qaraxii 14-ka October ee Muqdisho

Sideed sano ayay maanta ku buuxdaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Somaliya, kaas oo galaaftay nolosha boqolaal qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, waa qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Xogaha la diiwaangeliyay ayaa muujinaya in 587 qof ay ku dhinteen qaraxaasi, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ka dhashay, markii nin kaxeynayay gaari xamuul ah oo lagu soo raray walxaha qarxa uu si kedis ahayd ugu qarxay Isgoyska Zoobe, xilli uu mashquul ka jiray. Laamaha amniga ayaa xilligaasi sheegay in ay ku daba joogeen gaarigaasi oo xogtiisa ay hayeen.

Waxaa jira dad markii ugu war dambeysay ku sugnaa goobta oo la waayay, kuwaas oo markii dambe loo tixgeliyay in ay dhinteen.

Marka laga soo tago khasaaraha faraha badan ee nafeed ee qaraxaasi uu gaystay, waxaa jira gaadiid iyo dhismooyin ganacsi oo ku burburay, iyadoo dad hantiileyaal ahaa ay maanta qaarkood ka fara maran yihiin.

Weerarkan waxaa lagu tilmaamaa kiisii ugu khasaaraha badnaa ee hal mar ka dhaca goob ku taala Afrika.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo maalintii xigtay ee qaraxaasi ka hadleysay bannaanbax ka dhacay Muqdisho ayaa sheegtay inaanan kani lagu sheegi karin qarax.

"Si gar iyo mag la’aan ah na loogu qarxiyay baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ma dhihi karo, nukliyeer baa baabuur lagu soo shubay, waa nala dhex dhigay, waa na lagu gubay. Waxa nagu gubayna waa carruutii aan dhalnay oo aan korinay, oo aan kabinay. Waxaan nahay hooyooyin gablan ah, oo bannaanka iyo gudaha ku gablan ah.” Ayay tiri Batuulo Sheekh Axmed.

Batuulo Sheekh Axmed ayaa sidoo kale tiri "Qof Soomaali ah oo hilibkiisoo gubtay bac lagu shubo oo dhulka hoostiisa la geliyo, waa taariikh ooyin leh, waa taariikh madow, waa wax maanta Soomaali keeni kara ama inaan jirnoo dagaalano ama in nala laayo oo aan saa u hoggano, oo aan waxba qabsan kari weyno oo adduunyada na laga dabar-tiro.”

Qaraxan ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho ku noqday mid aan xusuustooda ka go'i karin.