Aadan Madoobe oo Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Saraakiisha Ciidamada
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa laamaha amniga ee maamulkiisa.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Qaybta 60aad, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Isaaq (Koosaar), Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Korneyl Mukhtaar Maxamed Dugudow iyo xubno kale.
War Khamiistan ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Aadan Madoobe uu shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo.
"Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo warbixinno laga dhageystay masuuliyiinta iyo saraakiisha amniga ee ka qaybgalay shirka." Ayaa lagu yiri warka.
"Hoggaamiyaha ayaa faray hay’adaha amniga in la xoojiyo wada-shaqaynta, feejignaanta iyo howlaha lagu sugayo amniga shacabka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ilaalinta nabadgelyada iyo badqabka bulshada." Ayaa lagu sheegay warka.
Warka ayaa intaasi ku daray "Sidoo kale waxaa shirka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada amniga ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed."
Shirka ayaa imanaya, iyadoo uu socdo diyaargarow ku aaddan abaabulka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, oo la doonayo in ay hawlgal sifayn ah ka bilaabaan deegaanada hoostaga Baydhabo.
Aadan Madoobe ayaa dadaal ugu jira in ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen) iyo maleeshiyada Al Shabaab laga fogeeyo nawaaxiga magaaladaasi.













