Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Wakiilka Hay'adda UNDP
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Hay'adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Somaliya, Christophoros Politis.
Labada dhinac ayaa kulanka diiradda ku saaray xoojinta xiriirka wada-shaqaynta ee u dhexeeya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Hay'adda UNDP, dardargelinta barnaamijyada horumarineed, dib-u-heshiisinta iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada hay’addu siiso maamulka, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
"Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey, isaga oo xusay in taageerada hay’adaha caalamiga ahi ay door muhiim ah ka qaadan karto hirgelinta qorsheyaasha horumarineed, xoojinta hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista nolosha bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed." Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa intaasi ku daray "Sidoo kale Hoggaamiye Sheekh Aadan ayaa muujiyay, sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, loona horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Wakiilka cusub ee UNDP ee Somaliya, Mudane Christophoros Politis ayaa kala hadlay Hoggaamiyaha fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga iyo taageerada dhinacyada mudnaanta u leh Dowladda Koonfur Galbeed."
Aadan Madoobe ayaa Muqdisho ka wada kulamo uu taageero siyaasadeed iyo amni uu ugu raadinayo maamulkiisa, oo cadaadis militari kala kulmaya Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Aadan Madoobe oo tan iyo Isniintii ku sugan Caasimadda Muqdisho ayaa muddadaasi waxaa maamulkiisa laga qabsaday Degmooyinka Buurhakaba, Berdaale, Diinsoor iyo deegaano muhiim ah oo ku dhow dhow Magaalada Baydhabo.











