Abaabul ciidan oo laga bilaabay Xarardheere, si looga hortago Al Shabaab
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ka bilaabay abaabul ciidan, kaas oo la doonayo in lagaga hortago maleeshiyada Al Shabaab ee damacsan inay soo weerarto degmadaasi.
Shabaabka ayaa la sheegay in maalmahaanba ay wadeen diyaargarow ku aaddan, sidii ay weerar ugu geli lahaayeen degmadaasi, oo laga saaray 16-kii bishii January ee sanadkii 2023.
Dadka ku dhaqan Xarardheere ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqa ay Shabaabku ka sameynayeen deegaanada hoostaga degmadaasi, oo ay ugu weyn tahay Jowle.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Qaybta 21aad, Korneyl Maxamed Dhagaweyne iyo saraakiil kale oo Khamiistii gaaray Degmada Xarardheere ayaa halkaasi ka bilaabay inay ku abaabulaan ciidamada.
Saraakiishan ayaa maanta afaafka hore ee degmadaasi ku soo bandhigay ciidamo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ah, oo loo abaabulay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Saraakiisha oo ciidamada la hadlay ayaa ugu baaqay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyadaasi ee ka socdo gobolada dalka qaarkood, iyagoona ballanqaaday in wixii taakulo ee xagooda looga baahan yahay ay heli doonaan.
Wararka ayaa sheegaya in Militariga Somaliya uu diyaarad helicopter ah uu hub ku geeyay degmadaasi, isla-markaana qayb ahaan in loo qaybiyay Ciidanka Difaaca Shacabka.
Nabadoon Maxamed Shire Jimcaale (Koofure) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee reer Xarardheere ayaa door weyn ka qaatay abaabulka xoogaga deegaanka, isagoona u ololeeya in la joogteeyo la dagaalanka Al Shabaab iyo in laga ciribtiro gobolka.
Nabadoon Koofure ayaa aalaaba sheega inaysan haysan doorasho aan ahayn inay ka xoroobaan Al Shabaab amaba inay dhintaan, wuxuuna marar badan uu Dowladda Federaalka ku dhaliilay inay hagratay dadka deegaanka ee diyaarka u ah in laga adkaado maleeshiyadaasi.
Nabadoonka ayaa dadaal u galay, sidii Dowladda Federaalka ay dib mushaarka ugu bilaabi lahayd Ciidanka Difaaca Shacabka, ka dib muddo uu ku eedeynayay inay ka gaabisay taageeradeedii dadka deegaanka. Hadda waxaad mooddaa in codkiisa la maqlay oo baaqiisana la tixgeliyay, xilli ay soo korortay baqdinta ka dhalatay suurtagalnimada in Shabaabku ay duulaan ku soo yihiin degmadaasi.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo horaanba ka dheregsanaa in Shabaabku ay si buuxda isugu socon karaan deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta Gobolka Mudug ayaa ku soo baraarugay in dhaqdhaqaaqyadooda gobolkaasi ay kordhiyeen, lix toddobaad ka dib markii ay dagaal culus kula wareegeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Lumitaanka ay ciidamadu lumiyeen Maxaas ayaa Shabaabka ka caawisay in ku dhawaad saddex sano ka dib ay helaan marin ay isugu kala gooshi karaan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug. Maxaas ayaa dhacda xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Galgaduud ee Galmudug, waxayna mid ka mid ah waddooyinka ka baxa ay tagtaa magaalada geeska Galgaduud ku taala ee Ceelbuur.
Shabaabka ayaa tan iyo 27-kii bishii July isugu kala gudbayay min Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe illaa Jowle oo koonfurta Gobolka Mudug ah. Dhinaca kale maleeshiyadooda ka imaneysa deegaanada galbeedka ee Gobolka Hiiraan ayaa u socdaali kara koonfurta Gobolka Mudug, waxaas oo dhana waxaa sahlaya tallaabooyinkii ay 7-dii iyo 27-kii bishii July kula wareegeen Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas.
Shabaabka ayaa deegaano badan ka maamula koonfurta Gobolka Mudug, waxaana laga xusi karaa Jowle, Eryaal, Dumaaye, Dabagalo, Miliqo, Miiroon, Dhalwo, Qodqod, Ceel Cabdi, Qaycad, Caad, Cammaara, Bacaadweyne, Shabellow, Jeex-jeexa, Yacgoos iyo Dhagaxdheer, iyadoo taliska ugu weyn ee laga xukumana uu yahay Jowle.
Jowle oo hoostagta magaalo xeebeedka Xarardheere ayaa waxay Xarardheere ku xiriirisaa Magaalooyinka Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur.
Deegaanadan ay maanta Shabaabku kaga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi ayaa intooda badan laga saaray, muddadii uu wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ka socday Gobolada Dhexe, laakiin ay dib u soo qabsadeen, ka dib markii ay si weyn uga faa'iideysteen hakadka ku yimid gulufkii dagaal ee lagu hayay.
Shabaabka ayaa dib isu soo xoojiya, mar kasta oo gaabis uu ku yimaado ololihii militri ee lagu la dagaalamayay, waana sababta ay maanta u soo haweysanayaan Xarardheere.
Xarardheere ayaa ahayd degmada keliya ee Gobolka Mudug ay Shabaabku ka arriminayeen, ka hor inta aan laga saarin horaantii sanadkii 2023.