Agaasimaha Hay'adda NISA, Mahad Salaad oo gaaray Dhuusamareeb

Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcahan gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga Agaasimaha Hay'adda NISA oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur oo si weyn ammaankiisa loo adkeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in safarka Mahad Salaad ee Dhuusamareeb uu la xiriiro, sidii dib loogu bilaabi lahaa dadaalada lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ee haatan isku haya habraaca doorashooyinka ku soo foolka leh Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxa Sirdoonka Somaliya uu bilaabayo bog cusub, oo ay tahay inay gorgortan siyaasadeed Villa Somalia iyo Madaxtooyada Galmudug kaga heshiiyaan khilaafka.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ay suurtagal tahay in maalmaha soo socda uu dib kaga biiro wada hadalada Dhuusamareeb.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Madaxweyne Qoorqoor uu ka warqabo in Villa Somalia ay musharax kale u waddo booskiisa, sidaasi daraadeedna uu doonayo in doorasho daahfuran laga qabto Galmudug.

Saraakiisha ku dhow dhow xafiiska ugu sarreya ee dalka iyo weliba Madaxtooyada Galmudug ayaa kuu sheegaya in la bilaabi doono gorgortan ku aaddan in Galmudug laga qabto doorasho uu ka madaxbannaan yahay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ama in Qoorqoor uu metelaad dhab ah ku yeesho Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, si natiijada ka soo baxdo ay u noqoto mid sharciyad ku dhisan.

Gorgortankan siyaasadeed ayaa calaamad u ah in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay bedesho fekerka ah in ciidamadeeda ay xoog kula wareegaan amniga Dhuusamareeb, inkastoo aan weli la dhihi karin waxay si buuxda uga tanaasushay fekerkaasi, maadaama aan la ogeyn in wada hadaladu ay guuleysan doonaan iyo in kale, ha yeeshee gorgortanka ayaa ah ifafaalo wanaagsan oo hoos loogu dhigayo isku dhac ciidan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu cadaadis xoog leh ka haystaa odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo gebi ahaanba diidan in doorasho dhinac ka raran laga qabto deegaanada Galmudug, si looga hortago inay caqabad ku noqoto horumarka iyo xasilloonida reer Galmudug.

Gorgortanka siyaasadeed ee labada dhinac ay bilaabayaan ayaa muhiim u ah maareynta khilaafaadka oo ka hortagaya cawaaqib aan la mahdin.