Ajaaniib la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay Puntland

Ciidanka Puntland ayaa sii wada culeyska ay ku hayaan maleeshiyada Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad oo maalmihii la soo dhaafay ay kula dagaalamayeen.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa maanta sheegay in ciidamadu ay dagaal culus maleeshiyada Daacish kula galeen Toga Dhabancaddo oo hoostaga Degmada Balidhidin ee Gobolka Bari.
General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), Afhayeenka Ciidanka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay 26 qof, oo ay ku jiraan sida uu sheegay sideed nin oo ajnabi iyo haweeney u dhalatay dalka Itoobiya.
Afhayeenka ayaa sheegay afar nin oo madow ah iyo haweeneyda Itoobiyaanka lagu dilay weerar jidgal ah oo maleeshiyada ay ku sameysay Ciidanka Puntland.
"Naagta dhimatay naf baa loogu tagey, af Itoobiyaan bayna ku hadleysay." Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Puntland, isagoona sheegay in iyada iyo afarta nin ee madowga ah lagu dilay weerarka jidgalka ee ka dhacay Buurta Wiiteen, oo wax yar ka soo sokeysa Toga Dhabancaddo.
21 nin oo ay ku jiraan afar nin oo ajaaniib caddaan ah ayuu iyana sheegay in lagu dilay dagaal toos ah oo ka dhacay Dhabancaddo.
"Nimankani waxaa weeye niman aan naf rabin, meel ay u baxaana aanay jirin, ciidamaduna aysan marnaba asxaan u sameynaynin. Marka waxay door bidayaan intii la qaban lahaa ama inay is qarxiyaan ama la dilo." Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, saddex kalena ay dhaawacmeen. Askartan ayuu sheegay in gaarigooda lala eegtay qarax.
General Faadhigo ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay baacsanayaan maleeshiyada Daacish, hawlgalkuna uu sii socon doono.
"Ciidamada waxaan leeyahay guul baad gaarteen, ku sii socda guusha aad gaarteen, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in ninka ugu dambeeya la soo qabto amaba isagoo meyd ah la keeno." Ayuu yiri General Faadhigo.