Ajaaniib si sharci darro ah uga kalluumeystay xeebaha dalka oo maxkamad la horkeenay
War xalay ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa lagu sheegay in xafiisku uu maxkamad horgeeyay 36 eedeysane oo ajaaniib ah, kuwaa oo lagu soo qabtay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.
"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxa uu maxkamad horgeeyay 36 eedeysane oo ajaaniib ah, oo Ciidanka Badda Soomaaliyeed ay ku soo qabteen kalluumeysi sharci darro ah gudaha badda Soomaaliyeed. Ciidanka waxay ku soo qabteen laba doomood oo ugu yaraan saaran yahay kalluun qiyaas ahaan dhan 30 tan." Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay "Maxkamadda ayada oo ka jawaabeysa codsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay xabsi u dirtay dhammaan dadkii lagu soo qabtay kalluumeysiga sharci darrada, waxayna la wareegtay kalluunkii saarnaa doomaha."
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa bogaadiyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha, oo xafiisku uu ku ammaanay in ay howl adag u galeen difaacidda khayraadka badda, iyadoo dhanka kalena uu xafiiska ganacsatada iyo dhammaanba dadka Soomaaliyeed uga digay in ay la macaamilaan ajaaniibta ku xadgudbeysa khayraadka badda ee dalka.
"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa uu bogaadinayaa Ciiidanka Badda Soomaaliyeed, oo howl adag u galay difaacidda khayraadka badda Soomaaliyeed, waxaana uu ku sii dhiiri-gelinayaa xoojinta ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada.
Ugu dambayn, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaa ka go'an horgeynta sharciga qof kasta oo lagu soo qabto kalluumeysi baalmarsan sharciga, waxaana uu uga digayaa ganacsatada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay xiriir la yeeshaan shirkadaha iyo dadka ajaaniibta ah ee caadeystay ku xadgudubka khayraadka badda Soomaaliyeed."
Warka laguma sheegin goobta lagu hayo ajaaniibtaasi, goorta maxkamadda la horkeenay iyo weliba dalalka ay u dhasheen.




