Al Shabaab oo dhadhaqaaq hor leh ka bilowday Gobolka Shabellaha Dhexe

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq hor leh ka bilaabeen bariga gobolkaasi, si ay mar kale u fashiliyaan diyaargarowga ay Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ka wadaan gobolkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa maalmihii u dambeysay gaarayay gobolkaasi, iyagoo xoojinaya abaabulka ciidamada, uguna jiheynayaan deegaanadii ay Al Shabaab billihii la soo dhaafay ka qabsatay bariga gobolka.
Diyaargarowga ciidamada ayaa maalmahaanba laga dareemayay Degmooyinka Raage Ceele & Cadale iyo weliba deegaanada ku dhow dhow, si ay ciidamadu ugu laabtaan deegaanadii laga qabsaday, ka hor inta aysan xoreyn galbeedka gobolkaasi oo dhowr iyo toban sano ay Al Shabaab ka arrimineysay.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad Shabaab ah oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwo kale oo lugeynaya ay ka soo gudbeen daanta galbeed ee gobolkaasi iyo gobolka kale ee deriska la ah ee Shabellaha Hoose, isla-markaana ay soo galeen meelo ka mid ah bariga gobolkaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyadan qaybtood ay yimaadeen Degmada Alkowsar iyo deegaanada hoostaga, iyadoo kuwo kalena lagu arkay deegaanka War Ciise oo hoostaga Magaalada Jowhar. War Ciise ayaa ku taala inta u dhaxeyso Magaalada Jowhar iyo deegaanka Biyacadde oo qiyaastii 40km isu jira, waana deegaan istiraatiiji ah oo dhanka kalena isku xiro Jowhar iyo Degmada Raage Ceele.
Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegaya in Shabaab lugeynaya lagu arkay nawaaxiga Degmada Ceelbaraf, kuwaas oo ka yimid dhinaca Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoo ka soo gudbaya waddada marta hawdka galbeed ee Ceelbaraf. Waddadan ayaa qayb ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe ku xiriiriso Gobolada Koonfureed.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhaqdhaqaaq kale ka wadaan deegaanada Geelgub, Masaajid Cali Gaduud iyo duleedka deegaanka Labi Goley oo 13km dhanka waqooyi uga beegan deegaanka Wargaadhi oo hoostaga Degmada Cadale, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin saldhig weyn oo militari.
Qorshaha Shabaabka ayaa u muuqdo mid ay kaga hortagayaan in laga fogeeyo Degmooyinka Raage Ceele iyo Cadale oo dhaca dhinaca xeebta ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo in laga saaro Degmada Aadan Yabaal, iyadoo kuwooda soo gaaray Degmada Alkowsar la qiyaasayo in ay ku wajahan yihiin Aadan Yabaal.
Joogitaanka Al Shabaab ee Aadan Yabaal ayaa muhiim u ah in ay helaan marin ay uga sii gudbaan bariga Gobolka Hiiraan, si ay maleeshiyadooda isugu xiraan illaa Gobolka Galgaduud.
Arbacadii shalay oo ugu dambeysay, Shabaabka ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, waana deegaan isku xiro Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori, waana Ceel-hareeri oo ah albaabka ay Shabaabku ka soo geli karaan Moqokori.
Shabaabka ayaa bishii February culeys weyn soo saaray deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoona billihii February, March iyo April qabsaday degmooyin iyo deegaano laga saaray ku dhawaad saddex sano ka hor. Is fiditaankoodan ayaa ahaa mid ay ku fashilinayeen wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka oo bartamihii February ka bilowday gobolkaasi, waxaana uu yoolkoodu ahaa in ay dagaalka ka fogeeyaan galbeedka gobolka, si ay muddo dheer u sii joogaan.
Hadda, dhaqdhaqaaqa ay Shabaabku ka wadaan bariga gobolkaasi ayaa waxaa muuqato in ay ku difaacanayaan goobihii ay billo ka hor ka qabsadeen gobolka, si aysan ugu guuldareysan in ay maleeshiyadoodu isku xirmaan min Hirshabelle illaa Galmudug.