Ammaanka Magaalada Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay marti badan joogto
Ciidamada Jubbaland ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, oo maanta uu shir uga furmayo Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, Madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Wariyeyaasha ka hawlgala Kismaayo ayaa soo sheegaya in laamaha amnigu ay ciidamo gaar ah ugu talagaleen inay sugaan nabadgelyada magaaada, muddada uu shirka ka socdo.
Kismaayo ayaa maanta iyo maalmaha soo socdaba marti-gelineysa shirka ay qabaneyso Dowlad Goboleedka Jubbaland, isla-markaana ay ka qaybgelayaan isbahaysiga siyaasadeed ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Shirkan ayaa ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Jubbaland, waana shir uu heerkiisu sarreyo, isla-markaana looga hadlayo masiirka dalka, iyadoo ay ka maqan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka.
Shirkan ayaa saacadaha soo socda ka furmi doona magaalada, kolka uu gaaro Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya.
Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayay wararku sheegayaan in ay si wadajir ah u shir guddoomin doonaan shirkaasi.
Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka mid ah xubnaha ka qaybgelaya shirka.




