Amniga Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo la adkeeyay

Talisyada Ciidamada Qalabka Sida ayaa xoojiyay amniga Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay Saraakiisha Ciidamada ku wargelisay in ay suurtagal tahay in maleeshiyada Al Shabaab ay magaalooyinkaasi ku soo weeraraan gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Ciidamada amniga ayaa Khamiistii duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku fashiliyay laba gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa, lana doonayay in gudaha loo geliyo magaaladaasi.
Wararka haatan laga helayo Galmudug ayaa sheegaya in heegan la geliyay ciidamada ka hawlgala Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa militariga lagu xoojiyay ciidamada amniga ee ku sugan kontoroolada lagu baaro gaadiidka ee ku yaala bannaanada hore ee magaalooyinkaasi.
Nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa shalay galab isku qarxiyay bartamaha Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan. Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay lix qof, dhowr iyo toban kalena way ku dhaawacmeen.
Weerarkan ka dhacay gobolkaasi waxaa ka sii horreyay weerar kale oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo Sabtidii lagu weeraray kontoroolka Horseed ee Magaalada Beledweyne, oo ay ku dhinteen 34 qof, halka 48 kalena ay ku dhaawacmeen.
Shabaab oo mar kale uu culeys weyn ka soo fuulay bartamaha dalka ayaa isku dayaya in ay fashiliyaan dagaalka lagu doonayo in lagaga sifeeyo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhuusamareeb u jooga dardargelinta hawlgalkaasi militari.


