Asma Cabdicasiis Xasan oo loo dhaariyay xubin ka tirsan Baarlamaanka Galmudug

Asma Cabdicasiis Xasan ayaa ku biireysa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ka dib markii loo dhaariyay xubinimadeeda Baarlamaanka.

Asma Cabdicasiis Xasan ayaa bedeleysa Xildhibaan Cabdalla Cabdi Warsame, kaas oo horey ugu fadhiyay kursiga uu tirsigiisu yahay BDGGM 0021.

Gabadhan dhallinyarada ah ayaa maanta lagu dhaariyay kulan ay Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Galmudug ku yeesheen xafiiskooda, oo ku dhex yaala Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Dhuusamareeb.

Xubin ka tirsan Guddiga Joogtada ayaa Xildhibaan Asma Cabdicasiis ku dhaariyay Kitaabka Quraanka Kariimka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa lagu shaaciyay dhaarinteeda.

Asma Cabdicasiis ayaa noqoneysa gabadhii/haweeneydii 7aad ee ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 83 xubnood.