Axmed Cabdirisaaq Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa uu Axmed Cabdirisaaq Maxamed u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska ku soo magacaabay Wasiirka cusub, oo bedelaya Xuseen Xirsi Axmed oo ku magacawnaa xilkaasi.
"Magacaabistani waxay dhaqan-gelaysaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay." Ayaa lagu yiri wareegtada.
Axmed Cabdirisaaq ayaa noqonaya Wasiirkii afaraad ee Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland yeelato, muddo saddex sano gudaheed ah.


