Axmed Madoobe oo codsi u jeediyay Dowladda Federaalka
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Dowladda Federaalka ka codsaday inay garato dalka sii jiritaankiisa & wada socodkiisa iyo inay garowsato, haddii ay yihiin Madaxdii Jubbaland inay ka shaqeynayaan danta dadka reer Jubbaland.
Madaxweynaha oo Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland u jeediyay khudbad uu kaga hadlayay waxqabadkiisa, haddii la doorto shanta sano ee soo socota ayaa sheegay in uu doonayo Jubbaland oo xal waara laga gaaro, nabadna ah.
Madaxweynaha oo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland kula hadlayay Hoolka Daawad ee Magaalada Kismaayo ayaa ballanqaaday in haddii dib loo soo doorto uu ka shaqayn doono hagaajinta xiriirkii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.
"Taasoo keeneysa in waxa dalka iyo dadka danta u ah aan ka wada shaqayno." Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay "Waxaan ka codsanaya Dowladda Federaalka inay garato waddankan sii jiritaankiisa iyo wada socodkiisee danta ku jirtaa iyo waxa aanu doonayno inaan ka shaqaynaahi, in ummadda aan ka tarjumayno ay danteeda tahay ee masaalix shakhsi ah aanan meesha ka haysanin, taana waqtigeeda waan ka wada hadli doonnaa."
Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Waxaan rajaynaya haddaad i doorataan inaan howshaas siday tahay aan u geli doono, anigoo midnimada Somaliya raba inaan ka shaqeeyo."
Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo si weyn u soo shaac-baxay bishii October ayaa la xiriira nooca doorasho ee dalka laga qabanayo iyo in la mideeyo Doorashooyinka Deegaanka, Baarlamaanka, tan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inay doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah.
Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa sheegay inay ku laabanayaan doorasho dadban, iyadoona uu maamulkiisu sheegay in ay xaq u leeyihiin in doorashadoodu ay noqotay mid ay u madaxbannaan yihiin.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in doorashada dib loogu celiyo shacabka, si ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa, iyadoo markaasi la sameynayo hal guddi doorasho oo maamula Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba, taas oo Jubbaland ay ku gacan seyrtay, kuna adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban oo lagu soo dooranayo Xildhibaanada, Guddoonka Baarlamaanka iyo hoggaamiyaha soo socda ee maamulka.
Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa Talaadadii ku dhawaaqay liiska magacyada 75 xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland, kuwaa oo sida ay sheegeen ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland. Xildhibaanada ayaa Khamiistii doortay Guddoonka Baarlamaanka, waxaana berri oo Isniin ah lagu wadaa in ay soo doortaan Madaxweynaha xigga ee maamulka.
Axmed Madoobe ayaa la filayaa in markii saddexaad loo soo dooran doono Madaxweynaha Jubbaland, isagoona in ka badan 10 sano soo hoggaaminayay maamulka uu fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo.
Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa mar sii horreysay sheegay inaanan la aqbali karin nooca doorasho ee Kismaayo, waxa ka dhashaana ay sharci darro yihiin.
Villa Somalia ayaa doorashada u aragto mid maamulku uu boobayo, waxayna ka digtay in la kala qaybiyo dadka deegaanka.
Madaxtooyda Jubbaland ayaa riixeysa qabsoomidda doorashadan, xilli Beesha Caalamka ay Arbacadii Dowlad Goboleedka Jubbaland ugu baaqday inay dib ugu laabato Madasha Wadatashiga Qaran, si xal loogu helo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka, dibna loogu soo celiyo xiriirkii labada dhinac. Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya ayaa warsaxaafadeed ay si wadajir u soo saareen ugu baaqay dhinacyada in ay ka fogaadaan wax kasta oo uga sii dari kara xaaladda taagan iyo inay dib u bilaabaan wada hadalada, ka hor inta aan la dhameystirin hannaanka geeddi-socodka ee doorashooyinka.