Axmed Madoobe oo Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Garooka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Madaxweynaha Putland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa Kismaayo kaga qaybgelaya shirka ay martida gelineyso Jubbaland ee looga hadlayo masiirka dalka, iyadoo Madaxda Dowladda Federaalka ay ka maqan yihiin.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in shirka Kismaayo looga hadlayo mustaqbalka dalka.

Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta xubno ka mid ah, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa 2-dii bishii October ku heshiiyay in ay sameystaan gole cusub oo ay ku mideysan yihiin, kaas oo magaciisa uu noqonayo Golaha Mustaqbalka Somaliya, ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi.

Shirka Kismaayo oo sidoo kale lagu soo martiqaaday Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood ayaa la filayaa in laga soo saari doono go'aamo ku qotoma xaaladda kala guurka siyaasadda dalka.

Dhinacyada ku kulmaya Kismaayo ayaa ka soo horjeedo in dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn iyo in muddo kororsi ay sameyso Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinacadan ayaa waxaa suurtagal ah in ay qaataan go'aan ay dhankoodu ku qabanayaan doorasho liddi ku ah, haddii Dowladda Federaalka ay isku daydo inay dalka ka qabato doorasho ay u arkaan mid hal dhinac ah.