Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa caawa Xaruntooda Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaaladaasi.
Ma cadda waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen, balse Taliyaha ayaa Kismaayo u tegay Shirka Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo ka furmaya magaaladaasi.
Shirkan ayaa looga arrinsanaya hannaanka cusub ee shaqada Ciidamada Booliska Dalka labadiis heer iyo wada shaqeynta hay'adaha ammaanka ee dalka.
Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirkaasi ay hoggaamin doonto Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, isla-markaana ay ka qaybgeli doonaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada.
"Waxaana rajeynaynaa, haddii Ilaahay yiraahdo in shirkaasi ay ka soo bixi doonaan wax anfici doono Dowladda Soomaaliyeed, oo lagu sii dardargelin doono la dagaalanka Khawaarijta iyo dadka nabadiidka ah." Ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland.
Shirkan ayaa imaanaya, xilli Dowladda Federaalka ay waddo qorshe lagu sugayo amniga deegaanada laga saaro maleeshiyada Al Shabaab.
















