Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Hawlgalada SOCAF
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la kulmay Taliyaha Hawlgalada Gaarka Mareykanka ee Afrika (SOCAF/SOCAFRICA), General Claude K. Tudor iyo Saraakiil kale.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta sheegtay in kulanka looga hadlay dardargelinta hawlgalada lagu xoreynayo deegaanada Jubbaland iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac ee lagu ciribtirayo argagixisada.
"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlgalada lagu xoreynayo deegaanada Jubbaland iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada." Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.
Warka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Jubbaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye."
Warka ayaan lagu sheegin goobta uu kulanka ka dhacay iyo haddii Saraakiisha Mareykanka ay booqasho ku taggeen Magaalada Kismaayo.
Taliska SOCAF ama SOCAFRICA ayaa ah talis hoosaadka USSOCOM, kaas oo hoostaga Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), waxa uuna Taliska SOCAF qabtaa noocyada kala duwan ee hawlgalada, wuxuuna dhisaa taatikada iyo hawlgalka ka hortagga ururada xagjirka ah iyo rabshadaha, iyadoo dalalka iskaashiga la leh Mareykanka laga caawinayo horumarinta qaab dhismeedka amniga, si loo la dagaalamo khataraha qaaradda, loona abuuro xasillooni. Saraakiisha SOCAF ayaa waxay xoogga saaraan dhisidda awoodda amniga, la dagaanka argagixisada iyo la shaqaynta dalalka saaxiibada Mareykanka ee qaaradda.












