Axmed Madoobe oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa General Cabaas Ibraahim Gurey u magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhis lagu sameeyo Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Gedo.

Tani waxay imaanaysaa maalin uun ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay ku qaadeen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo.

Ciidamada degan xeradan ayaa la fahamsan yahay in ay ka amar-qaataan General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Xerada Gariley ayaa ka mid ah illaa toddobo saldhig oo toddobaadkii hore ay banneeyeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.