Axmed Madoobe oo Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay qaar ka mid diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la kulmay Safiirka Kenya ee dalka, Danjire Thomas Chepkuto, kaas oo ay ka wada hadleen dib u furista xuduudaha labada dal, oo ahmiyad weyn u leh dhinacyada socdaalka, is dhaafsiga badeecadaha iyo horumarinta dhaqaalaha labada dal.

"Inta uu kulanku socday waxaa kale oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen arrimaha amniga iyo hawlgalada ay Jubbaland ka waddo qaybo badan oo ka mid ah Gobolada Jubbaland, kuwaas oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Caasimadda Muqdisho kula kulmay Safiirka Britain ee dalka, Danjire Mike Nithavrianakis.

"Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka UK ee Somaliya ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo taageerada Dowladda UK ee dhinacyada horumarka iyo amniga." Ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulan kale waxa uu la qaatay Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ahna Kusimaha Safiirka, Tim Trenkle iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada AFRICOM ee dalka ka hawlgala.

Jubbaland ayaa qoraal ku sheegtay "Kulanka ayaa lagaga hadlay taageerada Dowladda Mareykanka ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dagaalka argagixisada iyo hawlgalka ay Ciidamada Jubbaland ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay taageerada Dowladda Mareykanka ee dhismaha Goleyaasha Deegaanka, oo afar degmo oo ka mid ah Jubbaland dhawaan laga qaban doono Doorashooyinka Golaha Deegaanka."

Axmed Madoobe oo Arbacadii soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kaga qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay Safiirka Mareykanka ee dalka, Danjire André Larry, kaas oo soo geba-gabeeyay howlihiisii diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa daba-yaaqadii bishii March waxa uu Richard H. Riley u soo magacaabay in uu noqdo Safiirka xigga ee Washington u jooga Muqdisho.