Axmed Madoobe oo sheegay inay ka rajo qabaan in shirka Kismaayo uu waxtar u yeesho dalka

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maamulkiisu uu marti-gelinayo shirka looga hadlayo masiirka dalka ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in shirkan uu horseedi doono jihayn wax ku ool ah, oo wax looga qabto xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka jirta.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku muujiyay in shirka laga soo saari doono ajandayaal ka tarjumaya danaha guud, isla-markaana u gogol xaaraya hirgelinta himilooyinka iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan rajo weyn ka qabnaa in Shirka Golaha Mustaqbalka Somaliya uu horseedi doono jihayn wax ku ool ah oo wax ka qabata xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, isla-markaana laga soo saari doono ajandayaal waaweyn oo ka tarjumaya danaha guud, una gogol xaaraya hirgelinta himilooyinka iyo rajada shacabka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay siyaasiyiin ay ka mid yihiin saddex Raysal Wasaareyaal hore iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Madaxweynihii hore ee dalka ahna Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in subaxnimada berrito ah uu gaaro magaaladaasi.

Shirkan oo ay yeelanayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in Khamiista uu ka furmi doono Kismaayo.

Shirka ayaa looga hadlaya is mar-waaga ka taagan doorashooyinka dalka, iyadoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ay ka soo horjeedaan qaabka ay Villa Somalia u maamuleyso doorashada.

Dhinacyada ku kulmaya Kismaayo ayaa ka digaya in Dowladda Federaalka ay dalka ka qabato doorasho aan heshiis lagu ahayn amaba aan loo dhameen.