Axmed Madoobe "Waxaa jira dad ay maxkamad u xukuntay dhir jarista iyo ugaarsiga"

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jubbaland ayaa si wadajir ah xuska maalinta dhir beerista Somaliya ee 17-ka April awgeed dhir kala duwan ku beeray Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan dhir jarista, isla-markaana ay dhir kala duwan ku beeraan guryahooda iyo goobaha danta guud, si ay uga qayb qaadato bilicda iyo badqabka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Jubbaland ay khatar ku hayso jarista dhirta, taa oo soo socotay tan iyo xilligii burburka iyo weliba ugaarsiga sharci darrada ah.

Madaxweynaha oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa bidhaahiyay in hay'adaha sharciga ay gacanta ku hayaan dad ku eedeysan sida uu sheegay dhir jarista iyo ugaarsiga sharci darrada ah, kuwaa oo sida uu sheegay ay maxkamadi xukuntay, isagoo intaa ku daray in dhir jarista iyo ugaarsiga ay mamnuuc ka yihiin Jubbaland.

Waxa uu muujiyay in ay isku dembi yihiin qofkii geed jira iyo kan ugaar dila, isagoona yiri "Aad baan uga mahadcelinayaa garsoorka iyo laamaha amniga go'aanadaa ay qaateen ee dadkaa ay xukunka ku rideen. Waa waxyaalaha dhibaatadaa ee mar walba na hortaagan ay kow, laba iyo saddex ka tahay."

Dhanka kale Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay jirto dhuxul muddo dheer tiilay Magaalada Kismaayo, khatarna ku ah nolosha bulshada, taas oo sida uu sheegay loo baahan yahay in xal loo helo, si looga hortaggo waxyeelada ka dhalan karta.

Soomaalida ayaa la tilmaamaa inaysan ku baraarugsanayn muhiimadda ay dhirtu u leedahay deegaanka, isla-markaana ay ku badan yihiin kuwa dhirta jira, ee aan mid kale beerin.