Baarlamaanka Somaliya oo doortay xubnaha ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa galabta doortay xubnaha markii ugu horreysay dalka ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Xildhibaanada Labada Aqal oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho ayaa qaab qarsoodi ah ku soo doortay xubnahaasi, oo rag iyo dumar isugu jira.
Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ayaa lagu doortay sagaal xubnood, kuwaas oo afar ka mid ah ay haween yihiin.
Xubnaha la doortay ayaa kala ah Faysal Cabdi Rooble, Cabdisalaan Hadliye Cumar, Xuseen Xasan Maxamed, Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), Cabdiraxmaan Bashiir Shariif, Sahra Cali Xasan, Fahma Axmed Nuur, Ilhaan Cali Garas iyo Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Insaaniya).
Somaliya ayaa 15-kii bishii December ee sanadkii 2023 si rasmi ah ugu biirtay dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaano (EAC).
Somaliya ayaa noqoneysa dalkii 8aad ee ka mid noqdo EAC, tani oo loo arko fursad muhiim ah oo lagu ballaarin karo ganacsiga xorta ah ee gobolka.