Bajaaj lagu siday hoobiyeyaal oo lagu qabtay Muqdisho

Laamaha amniga ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay gacanta ku dhigay mooto bajaaj lagu soo raray jawaano qudaar ah, oo lagu soo dhex qariyay hoobiyeyaal, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliska Booliska ayaa sheegay in ciidamada oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Muqdisho gacan ka gaysteen ay xalay abaare 11:40pm ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan mootadaasi iyo shan hoobiye oo saarnaa, isla-markaana ay kooxaha argagixisada damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqalgeliyaan ammaanka caasimadda.

Taliska ayaa sheegay in hawlgalka lagu soo qabtay bajaajta iyo hoobiyeyaasha ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Degmada Dayniile.

"Ciidamada amniga oo hayay xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha Degmada Dayniile ka fuliyay hawlgal ay ku soo qabteen mooto sidday illaa shan hoobiye oo juwaano qudaar ah lagu soo dhex qariyay, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho." Ayuu Taliska Booliska ku sheegay war qoraal ah.

Warka ayaa lagu yiri "Dhagarqabihii waday mootada ayaa isku dayay inuu qarxiyo mootada iyo wixii saarnaa, markii uu ogaaday in la qaban rabo, balse ciidamada ayaa ka hortegay dhagartiisa."

Hay'adaha ammaanka ayaa baahiyay sawirrada hoobiyeyaasha la qabtay iyo mootadii qudaarta lagu waday ee lagu soo dhex qariyay hoobiyeyaashaasi.

Hay'adaha ammaanka ayaan soo bandhigin muuqaalka wadihii bajaajta, warbixintana laguma xusin waxa uu masiirkiisu ku dambeeyay, haddii la dilay iyo haddii gacanta lagu hayaba.

Dhacdadan ayaa imaneysa, iyadoo ay si weyn hoos ugu dhaceen weeraradii ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysan jireen Muqdisho, ka dib tallaabooyin dheeraad ah oo amniga magaalada lagu sugayo oo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay qaadday.