Bannaanbax lagu taageerayo dib u doorashada Erdogan oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbaxan oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, laguna taageerayay dib u doorashada Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa galabta ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa oo ahaa mid lagu muujinayay, sida bulshada reer Muqdisho ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Kuxigeenadiisa, Gudoomiye-yaasha Degmooyinka, Xildhibaano iyo weliba dadweyne kale.

Dibadbaxayaasha ayaa sitay sawirada Madaxweyneyaasha Somaliya & Turkiga, calamada labada dal iyo boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin "Garabkaaga ayaan nahay, sidaad adiguba noo garab istaagtay."

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo bannaanbaxaasi ka hadlayay ayaa Madaxweyne Erdogan iyo shacabka Turkiga ku ammaanay kuwo si dhab ah u garab istaagay ummadda Soomaaliyeed, xilligii ay ugu baahida badnaayeen.

"Madaxweyne Erdogan waa u hiiliyihii Magaaladan Muqdisho, waa gargaarihii ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysneyd, sidaa darteed ayaa waxay keenaysaa saacad walba iyo mar walbaba inaan garab-taagnaano. Runtii waa Madaxweyne iyo shacabkiisii oo is wato noo muujiyay is garab-taag dhab ah." Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo intaa ku daray "Waxaan leenahay Erdogan noolow oo guuleyso."

Madaxweyne Erdogan ayaa sanadkii 2011 indhaha caalamka ku soo jeediyay Somaliya, xilligaas oo Gobolada Koonfurta ay ka jireen abaaro ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay rubac milyan qof. Erdogan oo xilligaasi Raysal Wasaare ahaa ayaa dunida tusay in la tagi karo Somaliya, oo markaasi uu booqasho taariikhi ah ku yimid, xilli caalamka uu dalka u arkayay meel aan la tagi karin.

Tan iyo wixiii xilligaasi ka dambeeyay, Ankara ayaa xiriir sal adag leh la yeelatay Muqdisho, iyadoona ka taageerto arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Si kastaba ha-ahaatee dib u doorashada Erdogan ayaa ka dhigan in uu xafiiska sii joogi doono 5-ta sano ee ina soo aaddan, waana Erdogan oo dalkaasi soo xukumayay labaatankii sano ee ugu dambeysay.