Bannaanbax lagu taageerayo hawlgalka ka dhanka ah Daacish oo ka dhacay Boosaaso
Bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa galabta magaaladaasi ka dhigay bannaanbax ay ku taageerayaan hawlgalka ciribtirka maleeshiyada Daacish ee ay Ciidanka Puntland ka wadaan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Dadweynaha ayaa garab iyo taageeraba u muujiyay ciidamada dhulka buuraha ah kula dagaalamaya maleeshiyadaasi.
Masuuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo masuuliyiin kale ayaa shacabka uga mahadceliyay isu soo baxoodan lagu taageerayo hawlgalka.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka mid ahaa masuuliyiintii dadka la hadlay ayaa reer Boosaaso ku ammaanay inay garteen in ciidamadu ay dartooda u dhimanayaan.
"Waxaad muujiseen meeshii ay idiinka mudneyd, waxaad taageerteen amnigiina, waxaad taageerteen ciidamadiina oo aad ogaateen inay idinka idiin dhimanayaan. Aad iyo aad baan idiinku mahadcelinayaa." Ayuu yiri Taliye Dirir.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa dhankiisa sheegay in uu dhammaaday waqtigii dadka looga soo hanjabi jiray teleefanada gacanta/moobeelada.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa fagaaraha ka sheegay in argagixisadu aysan ganacsade dambe lacago baad ah ka qaadi doonin, isla-markaana ay Daacish jabtay. Boosaaso ayaa ah xarunta ganacsiga Puntland.
"Reer Boosaaso, cadowgii waan jebinay, ciidankeennaa jebiyay." Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray "Reer Puntland oo dambe teleefan lagu baadi maayo oo xoolo looga qaadan maayo. Cadowgii mid jabay, mid jiis ah iyo mid isa soo dhiibay baa laga dhigay. Soomaali inteeda kalena waynu u gurman doonnaa, waana ka dulqaadi doonnaa."
Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay inaysan aqbali doonin gumeysi iyo in nin ajnabi ah oo dalkiisa dembi ka soo galay buu yiri uu dalkeenna qabsado.
"Waxaa nagu soo duulay dembiileyaal dalkooda dembiyo ka soo galay. Waxey rabaan annaga inay nagu dul noolaadaan, waxeyna rabaan hantideenna inay boobaan iyo inay na gumeystaan. Yeeli mayno, waana muujinay." Ayuu yiri Shaahdoon.
Duqa Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) ayaa Madaxweynaha Puntland ku ammaanay in uu qaatay go'aan masiiri ah oo dalka, dadka iyo diinta lagaga difaacayo sida uu yiri argagixisada dhiig miiratada ah ee ku soo duushay.
Ciidanka Puntland ayaa bishii labaad dagaal kula jira maleeshiyada Daacish oo u badan dagaal-yahano shisheeye, waxaana uu ujeedku yahay in dalka laga sifeeyo.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guluf xoog leh ku kiciyay Daacishta Somaliya, kaas oo noqonaya colkii ugu weynaa ee ay la kulanto, muddadii ay ka hawlgaleysay Buuraleyda Silsiladda Golis.
Faraca Ururka ISIS ama Daacish ee Somaliya ayaa daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 lagaga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.
Daacishta Somaliya ayaa ka go'day Al Shabaab, ka dib markii hoggaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin Cali uu xiriir la yeeshay Hoggaamiyeyaashii Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq, dalalkaas oo horaan ay Daacish ku xooganeyd.