Baydhabo oo laga qorayo dhallinyaro ku biireysa Ciidamada Qalabka Sida

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga bilaabay qorista dhallinyaro cusub oo loo qaadanayo inay ka mid noqdaan Ciidamada Qalabka Sida.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku howlan yihiin qorista iyo soo xulista dhallinyarada la doonayo in la qarameeyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhallinyaradan lagu wado in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Gaarka ee Koonfur Galbeed ama Ciidanka Daraawiishta, si ay kordhin cusub ugu noqdaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha ku foogan qorista dhallinyaradan ay diiradda saarayaan inay noqdaan muwaadiniin aan lahayn diiwaan dembi, isla-markaana aan horey uga soo mid noqon ururada hubeysan ee dalka ka dagaalama ee Al Shabaab iyo Daacish.

Xogaha hoose ee la helayo ayaa sheegaya in soo xulista dhallinyarada loo qaadanayo askarta lagu ballaarin karo deegaanada kale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qorshaha lagu qorayo dhallinyarada loo qaadanayo shaqada ciidamada ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo amniga, difaaca dalka iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Tani ayaa ku soo aadeysa, xilli xasaasi ah oo caqabado amni uu wajahayo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe ayaa juhdi badani ku bixinaya, sidii uu si buuxda ugu gudan lahaa waajibaadkiisa shaqo, isagoo ku xisaabtamaya taageerada joogtada ah ee Dowladda Federaalka.

Aadan Madoobe ayaa xiriirka dhow ee uu la leeyahay madaxda sare ee dalka iyo taageerada siyaasadeed iyo midda amni ee Villa Somalia u adeegsanaya in uu ku xoojiyo howlaha horyaalla maamulkiisa.