Beelaha Galmudug iyo Hirshabelle oo shir uga furmay Muqdisho
Beelaha Hawiye ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayuu maanta shir uga furmay Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya odayaasha, waxgaradka iyo culimada beelahaasi, si ay hal meel uga soo jeestaan dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.
Shirkan ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Dowladda Federaalka, si taageero loogu helo dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyadaasi.
Dowladda Federaalka ayaa xubnahan ka dooneysa in ay abaabulaan maleeshiyooyin qabaa'il, oo ciidamada ka caawiya la dagaalanka Al Shabaab.
Shirkan oo aan la ogeyn muddada uu socon doono ayay beeluhu ku abaabulayaan xoogag u daacad ah, isla-markaana ka qayb qaata hawlgalka uu yoolkiisu yahay in lagu burburiyo Shabaabka.
Dowladda Federaalka ayaa dhaqaale ku bixineysa shirka la isugu keenay beelaha, iyadoo sidoo kalena hub iyo rasaasba siin doonto xoogaga ay beeluhu soo qoraan.
Villa Somalia ayaa qorsheynaysa in xoogagan ay u jiheyso deegaanada Hirshabelle, si ay ugu biiraan gulufka dagaal ee Shabaabka looga kicinayo deegaanada ay ka haystaan maamulkaasi.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gashay siyaasad aan xasillooneyn, ka dib markii Shabaabku ay bishii February is ballaarin ka bilaabeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dowladda ayaa u baahatay taageerada beelaha, markii ay garowsatay in ciidamadu ay u baahan yihiin in la xoojiyo, si ay u dardargeliyaan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Shabaabka ayaa si gaar ah culeys u soo saaray Hirshabelle maalmo ka dib, markii labada gobol ee Hirshabelle uu ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka.
Al Shabaab ayaa weeraradeeda Hirshabelle ku qabsatay dhowr iyo toban deegaan oo horey looga saaray, waxayna is fidinta maleeshiyadu ay dib-u-dhac ku keentay hawlgalkii la qorsheynayay in looga ciribtiro Hirshabelle oo idil.
Hawlgalka Hirshabelle ayaa ahmiyad weyn u leh Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama in hadafkiisa la xaqiijiyo uu dowladda u sahlayo in dalka intiisa kalena ay ka suuliso kooxaha argagixisada ee ku xidideystay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey wacad ugu maray in dowlddiisu ay dalka ka ciribtiri doonto Al Shabaab, ka dib sideed iyo toban sano oo ay ka dagaalameysay.
Al Shabaab waa awoodda keliya ee maanta militari ahaan dagaalka kala soo horjeedda Dowladda Soomaaliyeed.